Nin daneeya baahida dalkoo danaha guud eega
Nin daryeela maatida dadkoo dayrin noloshooda
Daldaloolka nin naga awdayoo naga daboolaaya
Daba socodka duumada qabiil naga dawaynaaya
Dulqaadkaaga Eebow adaa lagu dakeeyaaye
Deeqdaadu Eebow adaa dunida gaadhaaye
Qofkaad doorto Eebow adaan cidina diidayne
Noo door Allahayow adaan kaa dalbanayaaye
Erayadii iyo Qalinkii:Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle .
Waa qormo kalsan iyo kor waayeel loogu wanqalay,waa qormo kama”a iyo kasba laga ilaashay,waa kalmado ku haboon in Bulshada S/land loogu iftiimiyo Sooyaalka Halgamaa Samo Talisa,Hogaamiye Hido dhwara oo nolosha Bulshada ku dhaqan S/land aqoon gaara u leh,hogaamiye tacabka Xoolo dhaqashada iyo wax soo saarka Beeraha jecel,hogaamiye aan jeclaysan in uu ku noolaado dalka dibadiisa iyo qurbaha,hogaamiye Dulqaad,Daacadnimo,Hall-adayg,Karti,Kalsooni badan,iyo Go”aan Qaadasho Lagu Yaqaano.
Waa qormo Bulshada S/land ugu iftiiminayo Sooyaalka halgameed iyo Hogaamineed ee Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye,Muj Muuse Biixi Cabdi, oo kaalin mug leh ku lahaa Halgankii dib u xoraynta qaran,Shirarkii dib u heshiisiinta Beelaha S/land,dib u dhiskii dalka iyo soo celintii hanaankii dawladnimo ee burburay,iyadoo si gaara farta ugu fiiqi doono kartidii iyo kalsooniduu muujiyay uguna soo dhabar adaygay,Duruufihii Qalafsanaa ee S/land ka jiray bilawgii Sannadihii Sagaashamaadkii,iyadoo Bulshada S/land marnaba iloobi Karin dhibtii iyo hadimooyinkii u soo dhabar adaygay in ay Bulshada S/land ku noolaato Nabada ay maanta ku nooshahay,isagoo Muj Muuse Biixi Cabdi hormood u noqday Masuuliyiintii u guntaday in ay Ciidamadii wadooyinka taagnaa ee xoogagii Snm noqdaan Ciidan Qaran .
Dhinaca hogaaminta Muj Muuse Biixi wuxuu gudoominayay Shirkii Balay- gubadle, Shirkaasi oo lagu soo doortay Madaxwaynihii u horeeyay ee S/land, Alle ha u Naxariistee Cabdiraxmaan Axmed Cali (tuur),mudadii uu shirka hagayayna waxaa lagu xasuustaa hal adayg ,hawlkarnimo,hogaamin suuban.
Sidoo kale Muj. Muuse Biixi waa shaqsiyad karti badan oo u dhabar adayga waayaha uu dalkiisa iyo dadkiisu ku sugan yihiin,waxaanu kaalin mugleh ku lahaa dib u heshiisiintii iyo midayntii xoogagii Snm,waxaanay taariikhdu ka marag kacaysaa inuu yahay halgamaa samo talisa,waa hogaamiye Wadaniya Wadankiisana jecel, iyadoo aan marag uga dhigayo habka nololeed ee uu u raadiyo nolosha qoyskiisa.
Mar kale waxay Taariikhda ku xusan in Alle ha u naxariistee Marxuum Madaxwayne Maxamad X Ibraahin Cigaal,markii lagu soo doortay Magaalada Boorama ugu magacaabay Muj Muuse Biixi Wasiirka Arimaha Gudaha,waqtigaas oo dalku ku jiray Duruufo qalafsan,Burbur Dhaqan, Dhaqaale,Nabadgalyo daro,iyo Dawlad la,aan,waxaanu Gudoomiye Muuse Biixi kaga gudbay Dulqaad,Daacadnimo,Hall-adayg, Karti, Kalsooni badan,iyo Dhabar adayg.
Mar kale taariikhdu waxay ka marag kacaysaa in uu muddo xileedkiisii ku guulaystay,qaramaynta ciidamadii Snm ee wadooyinka taagnaa,isagoo kaashanaya Guurtidii iyo Wasiiradii,sidoo kale isagoo kaashanaya Golihii Wasiirada iyo Golayaashii Wakiilada iyo Guurtida,waxuu ku guulaystay in la soo celiyo nidaamkii dawladeed iyo kala dambayn S/land ka hano qaada, waxaanu kaalin mug leh ka soo qaatay soo celinta Maamulkii iyo kala dambayntii,isagoo muddo xileedkii Muj Muuse Biixi Wasiirka Arimaha gudaha uu dhamaystiray in la soo celiyo Cashuur ururinta Cashuuraha Dawlada Dhexe si ay Dawlada S/land dhaqaale u hesho .
Sidoo kale Muj Muuse Biixi wuxuu kaalin mug leh ka soo qaatay dib u dhiskii iyo dayactirkii guud ahaan Xafiisyada Wasaaradaha iyo Xarumaha kaabayaasha dhaqaalaha ee Burburay,sida Kastamada Dugsiyada,Saldhigyada, Sariimadaha, Cusbitaalada .
Isku soo wada duuboo waxay taariikhdu ka marag kacaysaa in Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye,Muj Muuse Biixi Cabdi in uu guulo la taaban karo ka soo hooyay xilkii loo igmaday waqtigaasi,maantana Muj Muuse Biixi Cabdi waa Murashaxa Madaxwayn ee ugu mudan in loo doorto Madaxwaynaha S/land Maalinta doorashada ee ku beegan 13/11/2017, ugu dambayn waxaan qormadan ku soo gunaanadayaa Gabay Duco ah .
Nin daneeya baahida dalkoo danaha guud eega
Nin daryeela maatada dalkoo dayrin noloshooda
Daldaloolka nin naga awdayoo naga daboolaaya
Daba socodka duumada qabiil naga dawaynaaya
Duulaan colaadiyo ninaan dirirna keenaynin
Darifyada nin wada gaadhayoo dacalna seegaynin
Noo door Allahayow adaan kaa dalbanayaaye
Noo door Allahayow adaan kaa dalbanayaaye
Noo door Allahayow adaan kaa dalbanayaaye
Erayadii iyo Qalinkii: Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle .