Wacdaraha Isu baxyada taageerayaasha KULMIYE ee Ceerigaabo iyo Maanta

kumanaan kamid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee ku dhaqan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa isu soo bax ballaadhan kaga qaybgalay maalinta lixaad ee ololaha xisbiga KULMIYE oo maanta ku beegan.
Taageerayaashan oo lulaya astaamaha xisbiga KULMIYE, qaybo kamid ah jidhkooda, ayaa fagaareyaasha kala duwan ee magaalada socod kusoo maray, waxana ay isugu soo biyo shubteen xarunta beerta Xorriyadda Nuura oo ay kala hadleen masuuliyiinta xisbiga iyo xukuumadda katirsani.


Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi, xubno wasirro ah, xildhibaanno, guddida ololaha KULMIYE ee gobolka Sanaag iyo maamulka xisbiga iyo xukuumadda u qaabilsan gobolka, ayaa kala qaybgalay taageerayaasha isu soo baxooda, waxana loo jeediyey hadallo loogu mahadnaqay, isla markaana lagu bogaadiyey wacdaraha ay ku muujiyeen taageerada ay u hayaan KULMIYE

Exit mobile version