War-Cusub-Documentiyo Cadaymo Ah Oo Warbaahinta Lagu Faafiyey Jeeg Lacag Ah Oo Dawlada Federaalka Somalia U Qortay Xisbiga Waddani.

Hargisa(GNN):-Tan iyo mudadii la aasaasay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI waxa bulshada Somaliland dhagahooda ku soo noqnoqonayay eedaymo loo soo jeedinayay xisbiga Waddani, taas oo lagu eedaynayo inuu xidhiidh toos ah la leeyahay dawlada Federaalka Soomaaliya, islamarkaana xisbigu u ololeeyo midnimada Soomaliya.

Waxaana Madal Fagaare ah Arrintan Ka Sheegay Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland Oo La Hadlayey Shacabka Somaliland Una Iftiiminayey Arrintan.

Haddaba baadhitaan saxaafadeed  (Investigative Journalism) ay  suxufiyiin madax banaani ku sameeyeen xidhiidhka ka dhexeeya xisbiga Waddani iyo Dawlada Soomaaliya ayay ku soo xaqiijiyeen jiritaanka xidhiidhka.

xoghayaha arrimaha Dibadda ee xisbiga Waddani, Mudane Maxamed Cismaan Fadal

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee xisbiga WADDANI, Mudane Maxamed Cismaan Fadal

Dukmantiyo sir ah oo ay heshay saxaafada madaxabanaani ayaa daaha ka fayday xidhiidhka dhabta ah ee ka dhexeeya xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI iyo Dawlada Federalka Soomaaliya.

Cadaymahan waxa ka mid ah jeeg lacageed oo dhan 3 milyan oo Dollar ($ 3,000,000) oo 24 kii bisha 9aad ee September 2017 madaxwaynaha Dawlada Federaalka Somaliya ku wareejisay xoghayaha arrimaha Dibadda ee xisbiga Waddani, Mudane Maxamed Cismaan Fadal, lagana soo qaaday Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Sawirka Jeegan oo hoos ka muuqda waxa ku saxeexan madaxwaynaha Dawlada Somaliya Maxamed Cabdilahi Farmaajo.

 

Jeeg Somalia Wadani

Jeega Xisbiga WADDANI Loo Saxeexay, Waxaa Godoomay Xoog-hayaha Arimaha Dibadda Ee Xisbiga WADDANI

Lacagta 3 milyan ee dollar ah ee Dawlada Soomaliya soo siiyay xisbiga Waddani ayaa ah mid loogu talogalay ololaha doorashada Somaliland sida ka muuqata taariikhda la bixiyay jeegan oo ku beegan bilowgii ololaha doorashada Somaliland.

Ma Jiro Ilaa Hadda Wax War Oo Kasoo Baxay Dhinaca Xisbiga Mucaaridka Ah ee Waddani Oo Arrintan Ku Saabsani Balse Waxaa Bulshada Somaliland U Dhegtaagaysaa Waxa Uu Ku Qanciyo ee uu kagaga Jawaabo Arrintaasi.

Wixii Warar Ah ee Kasoo Kordha Arrintan Kala Soco Gabiley.Net