Siyaasiyiin Ka Tirsan Madasha Wada Tashiga Oo Fariimo La Xidhiidha Maamulka Hawada U Diray Madaxweyne Muuse Iyo Xukuumadiisa

Hargeisa(GNN):-Siyaasiyiin ka tirsan madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka somaliland ayaa ka hadlay maamulka hawada ee lagu wareejiyey soomaaliya.

Prof Cabdisalaan Yaasiin oo ka mid ah siyaasiyiinta madasha wada tashiga oo ugu horayn la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay talaabada ay qaaday qaramada midoobay ee maamulka hawada ay ugu gacan galisay soomaaliya waxaanu yidhi “Waxaanu u sheegaynaa qaramada midoobay si kasta haw aragto somaliland laakiin waxa jira xaqiiqo ah inay jirto jamhuuriyada somaliland oo aan somaliya ka midSiyaasiyiintan oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa madaxweynaha cusub iyo xukuumadiisa ugu baaqay inay ka hawl galaan sidii ay somaliland u maamuli lahayd hawadeeda.

ahayn, waxaana jirta wax Soomaaliya la yidhaa oo xaalkeeda ilaahay iyo dadkuba og yihiin, markaa wixii ka dhaxayn jiray barigii hore ee ay wada joogeen kama dhaxeeyo maanta, hawo somaliland iyo soomaaliya ka dhaxaysaana ma jirto, sidii ay heshiisyada hore ku galeena waxay ahayd in hawada laga wada hadlo sidii loo kala guran lahaa ee qolo waliba ay tooda u maamulan lahayd.”

Prof Cabdisalaan Yaasiin ayaa go’aan qaldan ku tilmaamay talabaada qaramada midooobay waxaanu yidhi “Haddii maanta iyada oo wixiiba isku duuban yihiin inay qaramada midoobay leedahay Xamar ayaanu gaynay, waxaanu sheegaynaa in arinkaasi waxba ka soconayn oo ay ka booday wada hadalkii,  haddii aanay xukuumada cusub ee somaliland aanay ka talo galina ay qalad gashay.”

Prof Cabdisalaan Yaasiin oo la hadlaya xukuumada somaliland ayaa waxa uu yidhi “Xukuumadeena cusubna waxaan leenahay arintaas hadaad la socotaan way wanaagsan tahay ee aynu si wanaagsan ula soo wareegno hawadeena jamhuuriyada somaliland.”

Sidoo kale Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa dhinaciisa xukuumada cusub ee somaliland ugu baaqay inaanay wada hadalba iskugu iman Karin dawlada soomaaliya inta aanay qirsanayn dhibaatadii ay ka gaysatay dhulka somaliland waxaanu yidhi “Madaxweynaha somaliland iyo xukuumada cusub waxaanu ka codsanaynaa in arinta sidii loo waday ay ka joojiyaan oo ay noqoto inta ay ka qirayaan inay wax inoo gaysteen ee dadkii bixiyey amarkii laynagu laayey ee diyaaradaha la soo kiraystay laynagu garaacayey iyo madaafiicdii buuraha lagu soo xidhay ee magaalada lagu garaacayey, wixii inagu dhacay iyo sidii loo baabiiyey dalka ee laynoo xasuuqay ee dadkii qaxayeyna diyaaraduhu u garaacayeen inta kuwiii waxaas gaystay ee amaradaas bixiyey iyo kuwii Xamar ka soo guray dadka joogay guryahooda ee Jaziira lagu laayey ee reer hebel loo laayey ee isir ahaan loo laayey, inta waxaas oo dhan jiraan ee wixii aduun yaalay magaalooyinka ee la gurtay ay masuulka ka ahaayeen, hadaanay waxba inoo qirayn ee kuwii sidaas inoo galay ay dhinacooda halyeeyo ka yihiin wada hadal aynu la galnaa ma fiicna.”