Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Oo Loo Dallacsiiyay Darajada Sarreeye Gaas.

Hargeisa(GNN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan u dallacsiiyay darajada Sareeye Gaas.

taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa hore u haystay darajada Sareeye Guuto balse haatan waxa uu madaxweyne Siilaanyo u gartay in la gaadhsiiyo sareeye Gaas, isaga oo qabad badan muujiyey mudadii uu maamulayey ciidamada booliska somaliland.

 

 

Muddada uu hayay hoggaanka booliska Ayaan laga dareemin dhalliilo shaqo iyo cabasho dhanka ciidanka ah Iyo Haday Noqto Dhinaca Dadwaynahaba .

Taliye Fadal Ayeey Ciidamadu Ku Tilmaamaan In Uu Yahay Taliyihii Ugu Fiicnaa Ee Soo Mara Ciidamada Marka la Eego Hogaaminta Ciidanka Iyo Habdhaqankiisaba.

 

madaxweynaha somaliland ee dhawaan talada dalka wareejin doona Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa horu marka dhinaca ciidanka ee lagu xasuusan doono waxa ugu horeeye darajooyinka  uu ku taxay ciidamada  kala duwan ee  qaranka, darajadaas oo kor u qaaday haybada uu leeyahay ciidanka somaliland.