Berbera: Kalluumaysato Ka Cabanaya Xayiraad Uu Wasiir Gaafaadhi Ku Xanibay Shaqadoodii

Saaxil(GNN):-Cabasho xoogan ayaa ka soo yeedhay qaar ka mid ah shirkadaha maxaliga ah ee gobolka Saaxil ee ka shaqaystay  kalluumaysiga, kuwaasoo sheegay iyagoo baahiyo kala duwan qaba hadana kalluumaysigoodii laga joojiyay,

Cabashadda ganacsatadani ayaa ka danbaysay kadib markii uu dhawaan wasiirka wasaaradda xanaanadda xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga uu amar ku bixiyay in aana la jilaaban Karin nooc ka mid ah kalluunka.

Nooca kalluunka uu wasiirku amaarka ku bixiyay in aan la jilaaban Karin oo magaciisa loo yaqaano Indha tooshle ama indha cade, waxaana nooca kalluunkaasi si gaara u gurta laba shirkadood oo kuw gudaha ah.

Labadaas shirkadood  oo la sheegay in ay u shaqo tagaan dad  gaadhaya inta u dhaxaysa 500 ilaa 600 oo qof, hase yeeshee joojinta laga joojiyay kalluunka ay ka ganacsadaan in ay dhibaato culus ku keentay.

Shaqaalaha cabanayay oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in mashruucan ay labada shirkadood  ee dadka sidaas u badan ay u shaqo tagaan ee wasiirku xanibay  ayaa  loo arkaa mid daboolay baahi weyn oo dhinaca shaqo la’aanta dalka ka jirta ah.

Waxaanay labadan shirkadood suuq ganacsi oo ay  u iibgeeyaan hilibka iyo Subaga kalluunka indha cadaha  ka heleen dalal ku yaala badhtamaha qaaradda Afrika.

Sidoo kale  kalluumaystadan ayaa ka cabanaya siday sheegeen kalluun lagaga  keeno dhinaca koonfurta Soomaaliya. “Wasiir waxaanu nahay  dhalinyaradii reer  Saaxil  ee  ka shaqaysanaysay kalluumaysiga, kalluunkayagii aanu ka shaqaysanaynay ee aad naga joojisay  waxaanu filaynaa in aad noo so furi doonto.

Kalluunka kale ee Xamar lanagaga keenayana in la naga joojiyo” sidaas waxa yidhi  Maxamed oo  ka mid ahaa  kalluumaysatadii cabanayay oo warbaahinta la hadlay.

Shaqaalahan  kalluumaysatadda ahaa ee wasiirku shaqadda ka joojiyay ayaa xaq daro ku tilmaamay in iyadoo uu Qaboojiyeyaasha ku jiro kalluunkoodii in  Xamar lagaga keeno kalluun kale.

Geesta kale waxay sheegeen shaqaalaha cabanayay in wasiirkii kalluumaysiga ee xukuumadii Siilaanyo uu hore ugu balan qaaday in aanu jiri doonin wax kalluun ah oo dibadda laga keeno, isla markaana uu si ku meel gaadh ah u joojiyay.

Waxa kaloo dhalinayradan kalluunka indhacadaha ka shaqaysan jiray ay sheegeen in wasiirkii kalluumaysiga ee xukuumadii Siilaanyo u  hore u joojiyay in wax kalluun ah dibadda lagaga keeno, balse wasiirka cusub ee xukuumadda Muuse Biixi, oo ay ka filayeen in uu tallaabadaas sii wado uu  bilaabay mid aanay ka filaynin.

Waxaanu yidhi “Wasiir gaafaadhi-na, kamuu shaqaynin siduu kalluunka Xamar lanagaga keeno u joojin lahaaye, kii aanu ka ceeshaynay ee Indha cadaha ahaa sidii uu u joojin lahaa ayuu wadeedii maray”.

Dhinaca kale dhalinayradan reer Saaxil ee ka shaqaysanayay kalluunka indha cadaha ee laga joojiyay shaqadoodii waxay baaq u direen wasiir Xasan Gaafaadhi. “Wasiir waxaanu kaaga  codsanaynaa,  haddii aanu nahay dhalinyaradii gobolka Saaxil in aad shaqadayadii noo furto” ayuu yidhi wiilkaasi dhalinayrada ahaa.