DAAWO SAWIRADA:Danjiraha JSL U Fadhida Dalka Finland Xadhiga Ka Jartay Xarunta Cusub Ee Safaarada Jamhuuriyada Somaliland Ay ka Hirgelisay Caasimada Finland Helsinki.

Kulan loogu wan-qalay munaasibada furitaanka safaarada oo lagu qabtay isla xarunta safaarada ayaa waxa ka soo qeyb galay madax iyo saraakiil ka socday dawlada Finland gaar ahaan wasaaradaha arimaha debada,waxbarashada iyo warfaafinta.

Waxa sidoo kale madasha furitaanka xafiiska safaarada goob joog ka ahaa qaar ka mid ah madaxda jaaliyadaha dalalka carbeed ee Finland iyo sidoo kale haldoorka jaaliyada reer Somaliland ee dalka Finland.

Dhamaan masuuliyiinta ka soo qeyb galay kulankan ayaa ka markhaati kacay dedaalka iyo firfircoonada ay muujisay Amb.Saamiya Muuse, iyagoo ku balan qaaday inay isku garab taagi doonaan si ay u suurta geliso hawl maalmeedka Safaarada.

Waxay sidoo kale xuseen in jiritaanka xafiiskani uu horseedi doono xoojinta xidhiidhka labada dal Finland iyo Somaliland.

Amb.Saamiya Muuse ayaa iyaduna dhankeeda uga mahad naqday madaxda wakhtigooda u soo huray inay goob joog ka ahaadaan furitaanka xafiiska safaarada Somaliland ee Caasimada Finland,

waxaaney Amb. Samiya Muuse balan qaaday inay inta awoodeeda ah ay ku dedaali doonto inay qadiyada Somaliland meel walba u gasho.

Guud ahaan safaaradan cusub ayaa noqoneysa laga sugayo inay wax tar weyn u keento qaranka Somaliland gaar ahaan dhinacyada aqoonsiga iyo maal gashiga.

 Gabiley.Net