Dhakhaatiir ka socda Dalka Ingiriiska oo ku takhasusay Xanuunnada dhimirka ayaa soo gaadhay Xarunta SAHAN ee lagu daryeelo laguna daweeyo Dadka qaba Xanuunnada Dhimirka, taasi oo ku taalla Galbeedka Magaalada Hargeysa.
Maamulka Xarunta SAHAN ayaa Dhakhaatiirta Caalamiga ah iyo Ardayda Jaamacadda Hargeysa War-bixin ka siiyey Xarunta SAHAN, siday u shaqayso, Tirada Dadka lagu hayo iyo Marxaladihii ay soo martay.
Bashiir waxa kale oo uu sheegay in Xarunta SAHAN lagu aasaasay Qol keliya, balse ay Maanta tahay Xarun guud oo ay ku jiraan Dad ka badan Lix Boqol “Masaajidkii baa ku yaalla, Maktabaddii baa ku taalla, Farsamadii Gacantaa ku taalla, Farmasiigii baa ku yaalla, Garoonkii Kubadda Cagta ayaa ku yaalla.” Ayuu yidhi, Guddoomiyaha Xarunta SAHAN, oo Dhakhaatiirta faahfaahin siinayey.
Drs. Ellen oo ka socotay Jaamacadda Kings College oo ku taalla Magaalada London, oo ka mid ah Dhakhaatiirta dhanka Maskaxda ee booqday Xarunta SAHAN, ayaa hadal ay halkaa ka jeedisay waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay inay aragto Xarunta SAHAN oo ay ku sheegtay goob muhiim u ah Bulshada Somaliland “Sahan waa Goob muhiim u ah bulshadiina.” Ayay tidhi Drs. Ellen oo ka mid ah Dhakhaatiirta Caalamiga ah ee Xaruntaa booqay, “Waxaan jecelahay inaan u Mahad-celiyo Hawl-wadeennada SAHAN ee suurto-gal ka dhigay hawshan” ayay hadalkeeda sii raaciyey, iyadoo sidoo kalena ballan-qaaday inay wada-shaqayn yeelanayaan SAHAN iyo Dhakhaatiirta Kings College.
Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Maxamuud Yuusuf Muuse oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay “Goobaha Hargeysa ee ay ku jiraan Dadka qaba Xanuunnada Dhimirka waan booqday, waxaan booqday Goobo yaryar, laakiin meel sidan loo horumariyey (Sahan), Qalabka intaas leegna la dhigay, Horumarna samaynaysa maan arag (Sahan ka hor)..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ardayda Jaamacadaha dhiganaya wax kasta oo ay baranayaan farta ayaa loo saaraa (waa la tusaa), markaa haddaynu helnay oo Jaamacaddu heshay goob aad si taabasho ah ugu qaadataan (Duruusta) Xanuunnada dhimirka aad bay muhiim u tahay.”
Salma Xasan Cismaan oo ka mid ah Ardayda Sannadka lixaad ee Jaamacadda Hargeysa ka barta Kulliyadda Caafimaadka qaybteeda Xannuunada dhimirka, oo iyaduna halkaa ka hadashay ayaa tidhi “Maanaan filayn inay Dalkeena ku taallo Goob lagu Daweeyo Dadka qaba Xanuunnada dhimirka oo sidan u qalabeysan, sidan dhismaheedu u qurux badan yahay oo uu u weyn yahay oo heerkii Caalamiga ahaa la hiigsanayo..”
Dhakhaatiirtan ayaa markaa ka dib, halkaa ka fuliyey Tababbarro iyo hawlo Samo-fal oo ay ku caawinayeen Dadka Dhimirka ka xanuunsanaya ee halkaa lagu hayo, taasi oo ay barbar socotay Deraasado ay samaynayeen ardayda kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Hargeysa.
Dhanka kale, Xarunta SAHAN oo ku tiirsan qaadhaanka ay Bulshadu u fidiso, ayaa waxa Shirkadda Safa ku wareejisay Dee Subag ah, taasi oo Maamulka Shirkaddaasi ugu talo-galay in Cuntada loogu daro Dadka Xanuunsanaya ee halkaa lagu hayo.
Maamulka Shirkadda Safa General Trading, Xaaji Aadan oo halkaa ka hadlay ayaa yidhi “In Qof Dadka dhisaya la taageero aad iyo aad ayay u wanaagsan tahay, doorka dambena waanu ka qayb-qaadan doonaa, Ganacsatadana waxaanu ugu baaqaynaa inay ka qayb-qaataan Taakulaynta Dadka Xanuunsanaya ee SAHAN lagu hayo.” Ayuu yidhi, Maamulaha Shirkadda Safa.
Guddoomiyaha Xarunta SAHAN Bashiir Maxamed Jaamac ayaa u Mahad-celiyey Maamulka Shirkadda Safa General Trading “Xaaji Aadan wuxuu Sahan keenay Deeq Subag ah, subaggaasi oo laga keenay Dalka Turkiga. Subaggaasi qiimo badan ayuu ugu fadhiyaa SAHAN, waayo? Waxa lagu darsanayaa Bariista, Digirta, Laxooxda iyo Arabikhida.” Ayuu yidhi, isagoo u duceeyay Maamulka Shirkadda soo gaadhsiiyey Deeqda Subagga ah.
Ugu dambayn, Xarunta SAHAN oo dadka bukaanka ah lagu gaadhsiin jiray Gaadiid la soo kireysto, ayaa yeelatay gaadhi Ambilaas ah oo u gaar ah.