WARARKA




Madaxweyne Muuse Oo Xeer Madaxweyne Ku Faahfaahiyey Wasaaradaha Laysku Daray iyo Kuwo La Baabi’iyey.

War-saxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xeer madaxweyne oo summadiisu tahayย JSL/XM/XM/249-11/012018ย ย uu ka soo saaray Xeer-Nidaamiyaha, Dhismaha Wasaaradaha Iyo Hay’adaha gaarka ah ee Xukuumadda, kaasoo qeexaya

1. Wasaaradaha la isku-raray xilkoodii iyo waajibaadkooda shaqo,

2. Hayโ€™adaha madaxa-banaan ee wasaaradaha lagu daray oo ka mid noqonaya waaxo ka mida wasaaraddaha lagu daray,

3. Wasaaraddaha loo bedelay hayโ€™ad madax-banaan sida:- wasaaraddii hore ee Dib-u-dejinta oo loo bedelay hayโ€™ad madax-banaan oo la yidhaahdo hayโ€™adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

4. Hayโ€™adaha Madaxa banaan ee iyaga laftooda la isku daray iyo

5. Xilka iyo Waajibaadka shaqo ee wasaaradaha iyo hayโ€™adaha madaxa-banaani ay ku shaqaynayaan oo la qeexay.

Madaxweynuhu:ย ย ย ย 

Markaan Arkay;ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland;

ย 

Markaan Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Qodobka 104 faqradiisa 1aad ee Xeerka Nidaamkaย ย ย Xukuumadda iyo Hayโ€™adaha Madaxa Bannaan Xeer Lr.71/2015, oo dhigaya in dhismaha wasaaradaha, habka iyo hannaankooda xil-gudasho, uu Xeer Madaxweyne ku soo saarayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland;

Markaan Arkay;ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Qodobka 18aad ee Xeer Lr.71/2015 oo qeexaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo isticmaalaya awoodihiisa xeereed uu u qoondaynayoย ย xukuumadda iyo laameheeda shaqooyinka;

ย 

Markaan Ku Qancay;ย ย ย ย ย ย ย Muhiimada ay leedahay in xilalka laysu raaciyo hab la maamuli karo, si looga hortago habaca iyo kala daadsanaanta shaqada, iyo is-dul-fuulka xilalka iyo waajibaadyada hayaโ€™daha xukuumadda, si waafaqsan Qodobka 18aad, farqadihiisa 2aad, 3aad iyo 4aad ee Xeer Lr.71/2015;

ย 

Markaan Goโ€™aansaday;ย ย ย ย ย In ay xukuumaddu yeelato wasaaradaha lagama maarmaanka u ah xil gudashadooda, iyada oo laga duulayo siyaasadda guud ee xukuumadda, si waafaqsan Qodobka 26aad ee Xeer Lr.71/2015;

ย 

Waxaan Soo-saaray

Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Wasaaradaha iyo Hayโ€™adaha Xukuumadda ee Xeer Nidaamiye Lr. 01/2018.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland



ย  ย  ย  ย  ย  ย