Madaxweyne, Soo Celinta Hantida Qaranka Ee La Boobay Waa Masuuliyad Ku Saaran.

W/Q: Cabdilaahi Axmed Caarshe,

Todobadii sanadood ugu danbeeyey ee ay dalka ka talinaysey xukuumaddii madaxweyne Sillaanyo, waxaa la tilmaamaa in hantida qaranka si khaldan loo maamulay, sidoo kale uu dalka ka dhacay boob baahsan oo shacabku ka marqaati yihiin, iyada oo la qaatay dhammaan hantidii danta guud, sida dhulkii oo aan loo meel deyin.

Mudadaa ay dalka ka talinaysay xukuumaddaasi, waxaa ka mid ah meelaha muhiim ah ee aan loogu talo gelin in cid gaara ah la siiyo balse la bixiyey, meesha lagu magcaabo Raasiga Berbera, taasoo ah wajahada hore ee Dekeda Berbera, waana meesha ciida ka celinaysay Dekeda, iyada oo la qaybsatay, ayna qaateen dad u badan masuuliyiintii ugu saraysay xukuumaddii Madaxweyne Sillaanyo.

Todobaadkii la soo dhaafay ayuu madaxweynaha Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi, wareegto madaxweyne ku joojiyey gebi-ahaanba dhulkaa la boobay ee hantida qaran ah, iyada shacabka Somalilandna, ay aad ugu farxeen tallaabadaa madaxweynuhu qaatay oo muujinaysa in uu ka damqaday hantida ummadda ee la boobay.

Maaha oo keli ah dhulka Berbera meelaha sida khaldan loo iibiyey ama dad gaara ah naasnuujin loo siiyey, balse waxaa jira hanti badan oo la qaatay, weliba ay haystaan dad xilal ka hayey xukuumaddii hore oo takrifalay hantida ummadda oo baahan in lala xisaabtamo baadhisna lagu sameeyo hantida ummada ee ay qaateen ogowgeed.

Madaxweynaha cusub Mudane, Muuse Biixi Cabdi, waxaa ku waajib ah in la yimaaddo isla xisaabtan dhab ah {Accountability}, isaga oo ka bilaabaya hantidii horey loo lunsaday, taasoo ka kooban dhulkii danta guud ee cid walba la siiyey, mashaariicda sida eexda ah loo bixiyey iyo guud ahaan heshiishyadii la galay oo uu dib-u-eegis ku sameeyo sida heshiishkii Dekeda Berbera iyo saldhiga Berbera {military Base}.

Meelahaas oo dhami waa meelaha laga ogaanayo musuq-maasuqa dalka dhacay. Kaasoo la odhan karo waxaa uu gaadhay halkii ugu saraysey, haddii aan waxaan maanta taagan aan la sixina waxaa soo soosocdana lama sixi karo, waayo soomaalidu waxay ku maah-maahdaa “Awrka danbe awrka hore talaabadiisa ayuu ku daydaa”, hadii khaladaadkii iyo musuqa dhacay aan la daba gelin, waxyaabaha wanaagsan ee soo socda ayaa ina ka qaloocanaya.

Hadaba Mudane, madaxweyne waxaa kula gudboon in aad ciyaartid doorkaaga madaxweynanimo oo ah kii ay shacabku kuugu codeeyeen oo hal ku dhegiisu ahaa hora loo soconayaa, {moving Forward}, iyo hal ku dhegii kale ee ahaa hoggaamiye go’aan leh,taasoo ka mid aahayd waxyaabihii lagugu doortay ama codka ay shacabkugu siiyeen.

Hogaamiye go’aan leh waxaa looga jeedaa, hoggaamiye, wax bedeli karaa oo ka daba tegi karaa waxyaabii khaldamay oo sixi karaa, waxyaabaha shacabku ka rajaynayaana fulin kara oo awoodii fulineed leh, ta lagaa rabaa madaxweyne waataas, shacabkuna maanta waxay kaa qabaan rajo wayn {High expectation}, si rajadaasi u guulaysato waa in aad fulisaa ballan qaadyadii waqtigii ololaha, si nololasha bulshadu isu bedesho, kalsoonida shacabkana aad sii haysatid.

Waxaa kale oo muhiim in aanay awoodii oo dhammi ku soo uruurin xafiiska madaxweyne {President Office}, sidoo kale waa in awoodii aanay baahin oo qof walba aanay gacanta u gelin oo sida uu doono aanu ka yeelin, sidii aan ka soo barangay maamulkii hore, balse waa in awoodii la uruuriyaa oo masuulkastaa uu shaqadiisii u madax banaanaadaa, lakin waa in lala xisaabtaa oo shaqadii lagula xisaabtaama oo uu jiraa xisaabtan dhab ah.

 

Gunnaanad

 

Mudane, madaxweyne waa waajib ku saran in aad ka dabo tagtid hantida qaranka ee lunsaday, waana in aad fulisaa ballan qaadyadii waqtigii ololaha si aad u sii haysatid quluubta shacabka, ogow madaxweyne hadii ay lunto kalsoonida shacabku waxqabadkaagiina ma muuqanayo ama socon mayo, ku dedaal in aad haystid kalsoonida shacabka, taasna waxaad ku haysan kartaa waxqabad muuqta iyo nololsha shacabka oo is bedesha.