Sadex Dawlaood Oo La Filaayo Inay Kusoo Biiraan Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliyaa

Xarunta caalamiga ah ee lagu magacaabo Centre For Humanitarian Dialogue ayaa sida ay warar xogogaali u sheegeen Geeska Afrika, wada hadaladii ay dhawaan ugu kala dab qaaday madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, waxa ay ku aqbashay soo jeedin ah in la helo dawlado kale oo ku soo biira dhexdhexaadinta Somaliland iyo Somaliya, maadaama dawladda Turkigu aanay ku guulaysan in xataa ay hirgalaan qodobadii ay Somaliland iyo Somaiya dalkeeda ku saxeexeen, kuwaas oo uu ka mid ahaa qodobkii ku saabsanaa maamulka hawada Soomaalida oo lagu heshiiyay in si wada jir ah looga maamulo Hargeysa iyo Muqdisho balse guuldaraystay.

Sida ay wararkan xogogaalka ahi sheegeen waxa ay u dhowdahay in saddex dawladood ee kala ah Norway, Switzerland iyo Sweden ay ka mid noqdaan dawladaha u soo ban-bixi doona dhawaan qabashada shirarka wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaana la sheegay in xaruntani hadda wada hadal kula jirto dawladahan.

Wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa bilaabmay March 2015, waxaanay tan iyo wakhtigaas u muuqdaan kuwo cago-jiid lagaga qayb galo oo aanay ka soo bixin wax natijo ahi marka laga reebo qodobo la saxeexo balse aan hirgelin. Dawladda Turkiga ayaa u muuqata inay mudadaas ciyaaraysay door ah fududaynta madasha wada hadalku uu ka dhacayay balse aan marna qaadan doorkii dhexdhexaadnimo ee laga filayay.

Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo, ayaa sida ay wararkani sheegeen waxa ay si isku aragti ah u sheegeen inay labadoodu hoggaamin doonaan ergada ka qayb galaysa wada hadalka u horeeya oo aan weli la ogayn wakhtiga uu qabsoomi doono iyo goobta uu ka qabsoomi doono.

 

Wargayska Geeska Africa