War Deg-Dega –Khasaaraha Shil Sababay Dhimasho Oo Ka Dhacay Badhtamaha Suuqa Hargeisa.

Hargeisa(GNN):-Waxaa Goordhawayd Uu ka Dhacay Shil Naxdin Lehi Gudaha Caasimada Hargeisa Gaar ahaan Wadada Halbowlaha Ah ee Dhexmarta Faras-magaalaha Caasimada agagaarka Kaalinta Cajab ee Dhinaca Galbeed Ka Xigta Baanka Dhexe Somaliland ama xarunta guud ee shirkada Somtel.

Waxaana Shilkani Ka Dhashay kadib Markii Gaadhi nooca oo layaqaan sukisukida(Zuzuki) oo Xawaare Sare Ku Socodaa Uu dhawr jeer dhinaca kale  isku rogay iyadoo uu kusii dhacay gaadhi surf ah oo ku jirtay meel baarkina oo aan sidaa uga fogayn kaalinta cajab ama kasoo horjeedka Xarunta Suuq-geynta ee tvga HCTV.

Shilkan Ayaa Sababay Sida Dad Goobjooga ahi Noo Xajiijiyeen Dhimashada Saddex Qof Oo Wada Saarnaa gaadhiga Sukisukida ah ee Xawaaraha Sare Ku Socoday, Alle ha U naxariistee Saddexdan Marxuum oo aaney noo suurto galin inaanu helo magacyadooda ayaa la noo xaqiijiyey in maydadkooda loo qaaday cusbitaalka weyn ee hargeisa alle ha u naxariistee.

Waxaana Wararku Intaa Ku Dareen In Gaadhigan ay Ku Dhinteen Dadku ka Yimid Magaalada Borama ee xarunta Gobolka Awdal La Soco Wixii Warar Ah ee Kasoo Kordha……..

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network

Axmed Almis.