War Deg Deg:-Ciidamada Amaanka Somaliland Oo Xabsiga U Taxaabay Siyaasi Sheegay Inuu Maamul Goboleed Cusub Samaynayo.

Hargeisa(GNN):-Ciidamada amaanka somaliland ayaa goor dhawayd gacanta ku dhigay siyaasi dhawaan shaaciyey inuu maamul goboleed cusub ka samayn deegaano deegaanada gobolka Saaxil.

Wariyahayayaasha Ku Sugan Gobolka ayaa xaqiijiyey in ciidamada amaanku ay gacanta ku dhigeen siyaasi Saleebaan Ibraahin Maxamuud oo ah Siyaasi Maalintii Shalay ku dhawaaqay inuu samaynayo maamul goboleed uu yeelanayo gobolka Saaxil.

Siyaasi Saleebaan Ibraahin Maxamuud ayaa dhawaan magaalada Burco ka sheegay inuu samaynayo maamul goboleedka Saaxil-land, isaga oo aad u dhaliilay mashruuca sahaminta shiidaalka ee laga bilaabayo magaalada Berbera iyo shirkada lagu wareejiyey maamulka dekeda ee DP world.

Maaha markii ugu Horeysay ee la Arko Falal Noocan Oo kale Oo Ashqaas gaar ahi Bulshada ku faafiyaan warar kicinaya dhagaha shacabka islamarkaana ka hor imanayo jiritaanka qaranimada somaliland iyo geedi socodkii dimuquraadiyada dalka somaliland.

La Soco Wixii Warar Ah Ee kasoo Kordha Arrintaasi.