Akhri:- Heshiisyada Iyo Maalgashiyada Lagala Noqday Shirkadda DP World Intii Ay Jirtay.

Hargeisa(GNN):-Shirkadda Dp World oo ah shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa ah inta badan shirkad maal-gelin  ku samysay dekaddaha caalamka gaar ahaa kuwa bariga dhexe.

Shirkaddani ayaa la aasaasay sannadkii 1999-kii. Shirkadda DP World waxaa ay maamushaa dekadaha illaa 40 dal oo caalamka ah, mashaariicdeeda waxaa ay ka badan yihiin 77 xarumood oo badda ah, shaqaalaha shirkadda waa 37,000 oo ka soo kala jeeda 110 dal.

Haddaba hallkani waxaynu ku xusi doonaa mashaariciiha maal-gelineed iyo heshiisyada lagala noqday shirkaddani Dp World ta iyo intii la aasaasay.

2006: Shirkaddan Dp World waxaa ay shirkadda “P & O” ku iibsatay 6 Bilyan oo Dollar, waxaa kaloo ay dawladda Mareykanka heshiis kula gashay in ay maamulaan 6 dekad oo ay ku jiraan New York, Newark, Baltimore iyo Miami., xubno ka tirsan Labada aqal, madaxweynayaal hore, governotoorayaal iyo mas’uuliyiin Mareykan ah ayaa iska diiday, heshiiskana sidaas ayuu ku burburay.

2006: DP World oo adeegsaneysa  Cabdiraxmaan Boreh oo ah ganacsade saxiib la ah Imaaraadka ayaa 30 sano heshiis la gashay dalka Djibuti si ay u maamulaan Doraleh Container Terminal, (DCT) waxaa la furay 2008-dii, laakiin dawladda Djibuuti waxaa ay dacwad ka furtay maxkamad ku taallo London, dacwada waxaa uu salkeedu ahaa in Imaaraadka ay laaluusheen Boreh si ay u helaan maamulka dekadda, 3 sano sano ka badan ayey dacwadda socotaa, in kasta oo eedeyntaas lagu waayey Bore hadana Djibouti waxaa ay shirkadan kala laabatay maamulka Doraleh Container Termina February 22, 2018-kii, waxaana halkaasi ku soo afjarmay is-qabqabsi labada dhinac ah oo sanado soo socday.

2010: Imaarada Abuu Dhabi Oo  DP World u diiday heshiis cusub: Imaarada Abu dhabi oo caasimadda Imaaraadka ayaa iska diiday in ay heshiis-ka u cusbooneysiiso DP World, Abu Dhabi Terminals oo loo soo gaabiyo ADT ayaa sheegtay in ay iyada maamulan doonto dekadda.

2011: Shirkadda DP World, waxaa ay caydhiyeen  shaqaallo badan sida ka dhacday dekadda Ceynu Sukhna ee dalka Masar.

2012: Sida ay qortay Financial Times shirkadda DP World waxaa lagala laabtay heshiis ay 30 sano kula gashay dekadda caanka ah ee Cadan, shirkadda DP World waxaa lagu eedeeyay musuq, waxaa kale oo la ogaaday in ay qalab ka xadeen dekadda, lacagtii lagu ballamay oo aaney bixin, dayactir la’aan.

Haddaba dhawaan ayay ahayd markii ay shirkaddaasi heshiis saddexgeesood ah oo ku saabsan maalgashiga dekadda magaalada Berbera la sexeexatay dalalka Somaliland, Itoobiya.

Shacabka Somaliland ayaa intooda badanina shaki ka muujinayaan kartida sherkadda DP World, waxaana intaas dheer in mudada ay kiraysatay dekedda Berbera ay gaadhayso 30 sano.