Madaxwayne Biixi Oo Amarro Culus Dul Dhigay Golihiisa Wasiirrada iyo Shaqaalaha Dawladda.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xukuumadiisa ku amray in aaney warbaahinta isku marin hadalo ay iskugu jawabaayaan , taas badelkeedana waxaa uu faray in waxii soo kordha ay iskugu gudbiyaan qoraal rasmi ah .

Warar xog ogaal ah oo wargeyska Geeska Africa helay ayaa waxaa ay xaqiijiyey in madaxweyne Biixi soo saarey wareegto loo qeybiyey wasaaradaha xukuumada ,taas oo uu faray in ay mamnuuc tahay in masuulyiinta is qoonsada ee xukuumada ka wada tirsani ay warbaahinta iskugu jawabaan , waxaana uu faray in ay isku jawaabi karaan oo kaliya hab qoraal ah .

Talaabadan ayaa waxaa uu madaxweynu ku sheegay mid lagu xoojinaayo nidaamka dawladnimo , waxaana uu sidoo kale faray in ay mamnuuc tahay in shaqaalaha wasaaraha iyo Haay’addaha dawladu warbaahinta ka hadlaan fasax la,aan isla markaana ay masuulyiintooda ay dhaliilo u mariyaan , isaga oo sheegay in ay danbi tahay in shaqaalaha dawladu ay warbaahinta ka hadlaan fasax la,aan .

Wareegtadan ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xili ay isku dhaceen wasiirka warfaafinta iyo qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradaas oo warbaahinta isku mariyey weerar iyo weerar celis, taas oo sababtey in wasiirka wasaarada warfaafintu uu shaqada iyo mushaharka ka joojiyo 24 shaqaale ah

Source:- Geeska