DAAWO:Xarunta Baarlamaan Maamulka Somalia oo Ciidamo La Wareegeen + Jawaari iyo Khayre oo Dagaal Ka Dhex Qarxay

Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari, oo warbaahinta Muqdisho kula hadlay waxa uu sheegay in ciidamo cusub oo Xukuumadda ka amar qaadanaya ay la wareegeen xarunta Baarlamaanka.

Waxa uu ugu baaqay mudanayaasha in aan kursigiisa oo keliya duulaan lagu soo qaadin balse sharciga iyo nimaadka dawladnimo la duminayo.

Xildhibaano ka tirsan Aqalka shacabka ayaa mooshin hore uga gudbiyay Jawaari laakiin guddida joogtada ah ayaa sheegay in mooshinki jabay.

Mooshinada oo muddo laga nastay ayaa hadda u muuqda in ay ka bilaameen Muqdisho.

Khilaafkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu taagan yahay khilaafka shirkadda DP World oo labada Gole dalka ka mumnuuceen.