Dooni Dab Ku Qabsaday Dekada Magaalada Boosaaso.

Doonta uu dabku qabsaday ayaa waxa la sheegay inay alaabo ganacsi u siday ganacsato u dhalatay deegaanada maamulka Puntland taasi oo laga soo raray wadanka isku taga Imaaraadka Carabta.

Dekada Boosaaso ayaa waxaa haatan ku sii qulqulaya Masuuliyiinta Magaalada iyo Shacab farabadan kuwaas oo iskudayaya in ay badbaadiyaan Hantida saaran doontaasi.

Waxaa haatan soconaya Gurmadka la doonayo in lagu lagu bad baadiyo hantida saaran doontaasi lama oga waxa keenay in dabkaasi uu ka kaco doontaasi lama sheegin gacasatada ay doontu u rarnayda.

Ilaa iyo hada ka may hadal doontaasi dabku qabsaday Masuuliyiinta Gurmadka ee Maamulka Puntland  hayeeshee waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay la hadli doonaan warbaahinta.