War Deg Dega:Madaxweynaha Somaliland Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Iyo ….

 War Deg Dega:Madaxweynaha Somaliland Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Iyo Safarkiisa Oo Laga Warbixiyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Ayaa Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Isaga Oo Goor Dhoweyd Kasoo Degay Madaarka Diyaaradaha Ee Cigaal,Waxaana Madaarka Madaxweynaha Ku Qaabilay Wasiiro Ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Iyo Xildhibaano Ka Kala Socday Labada Qole Qaran
Safarka Madaxweynaha Somaliland Waxaa Ka Warbixiyey Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore Oo Sheegay In Safarka Madaxweynaha Somaliland Guul Kusoo Dhamaaday Sidoo Kale Waxa Uu Sheegay In Dalka Imaaradka Carabtu Xukuumada Somaliland U Balan Qaaday Inuu Dalka Ka Fuliyo Mashaariic Horumarineed,
Dhanka Kale Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland Wuxuu Shaaciyey Inay Jiraan Wadamo Badan Oo Danaynaya Inay Maal Gashadaan Somaliland Isla Markaana Xukuumadu Soo Dhoweynayso,Cid Kasta Oo Rabta Inay Maal Gashato Dalka,Sidoo Kale Waxay Dawlada Somaliya Ugu Baaqeen Inay Kala Shaqayso Nabad Gelyada Mandaqada Iyo Xasiloonida Labada Wadan.
Gabiley.Net