Gudoomiyaha Ururka Sariflayaasha Caasimada Hargaysa oo Ka Dayriyay Kor U Kaca Sarifka Lacagta Baaqna U Diray Xukuumada Somaliland

HARGEISA-Markaan latashaday lixda gudoomiye gobal ee sariflayaasha Waxan soo saaray baaqan Shirkada Telesom haday 24 saac gudahood kaga noqon waydo Adeega Aykula dagaalamayso 7000 kun ooshaqaalaha sariflayaasha Somaliland ee iyagu Sharciga uhaysta inay lacagaha sarifaan ama isubadal Ku sameeyan waxaa igu balana inaan sharciga latiigsan doono ilaa heer maxkamadeed islamarkaana aanu abuuridoono sifa kasta oo keenaya hoos udhac Ku yimaada shirkadaha Telesom iyo edahab dadkana waxaan ugu baaqayaa haday tahay sariflayaasha iyo ganacsatada inay joojiyaan dhamaan waxku kala iibsiga lacagaha mobilada maadama aanu nahay dadka ubadan ee wakhtigii labilaabay adeega lacagaha mobilada socod siiyey gaar ahaan sariflayaasha iyo ganacsatada oo isu lamaan waxaa kaloon usheegayaa shirkada Telesom Inay tahay ta uguhoraysa dhinaca hormarka Tijaarada balse Ay ilowsantahay inay Ku gaadhay bulshada reer Somaliland oo dhan balse Ay damac kula soo noqotay inay wax yeelayaso ganacsatada soo korayasa sida

 sariflayaasha iyo ganacsatada ka hoosaysa iyo dhamaan bulshada Anagu sarifle ahaan waxa anu horseednay inaanu ugu horayn aamino lacagta lagu shubto ama lagala baxo oo aanu shilinkayaga kusiin jirnay bulshada abaalkeedi kamanu helin shirkada Taabadalkeeda  Shirkadu way naga heli doontaa shirkada Telesom waxay lamidtahay shirkadaha dalka we madaxwaynihii hore kamamnuucay inay iyagu helaan Ruqsadaha sarifka.

  Maxaa gaar kayeelay waxaan kudhaafayaa hadaanay shirkada Telesom iyagu suuqa iska saarin Inay camirnaan doonto hadayse Awood Ay wax kumuquuniso  iyo siyaasad ka dhaamaan waydo inay gabi ahaan bulshadu ka dareeri doonto waayo horaa loo yidhi ganacsiga iyo dagaalka Waa lakala ilaashaa …

Dhanka kale ee gudiga madaxwayne muuse uxil saaray arinta sixirbararka iyo kor uqaadista shilinka Somaliland iyaga waxaan lasugi doonaa madaxwaynaha markaas ayaanu  kahadli doonaa