Madaxweynaha Somaliland Oo Cusbitaalka Hargeysa Neurology Ku Booqday Ciise Xaaji Shaacuur (Ciise Degele) Oo Xaalad Caafimaad U Jiifa

Hargeysa-27-03-2018-(GNN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu caawa booqday oday Ciise Xaaji Shaacuur (Ciise Degele) oo xaalad caafimaad u jiifa cusbitaalka Hargeysa Neurology.

Booqashada uu madaxweynuhu ugu tegay Ciise Degele oo ka mid ah odayaasha taariikhda ma guuraanka ah ku leh bulshada Somaliland, muddo 45 sanno ahna maayar ka ahaa magaalada Taleex ee gobolka Xaysimo, ayaa la xidhidha sidii uu madaxweynuhu xogogaal ugu noqon lahaa xaaladiisa caafimaad ugana war hayn lahaa, iyadoo laga soo qaaday magaalada Taleex.

Waxanu madaxweynuhu ilaahay uga baryey oday Ciise Xaaji Shaacuur in uu caafimaad qab taama siiyo kana dulqaado xanuunka isaga iyo inta bukta ee xaalad caafimaad awgeed u jiifta cusbitaalada iyo guryaha qaar.

Waxaanu madaxweynuhu intaa ka dib soo maray qaar ka mid ah bukaan jiifta cusbitaalka ku sugan oo qaarkood xaaladoodu cuslayd iyadoo uu dhakhtarkuna u sharxay xaaladooda caafimaad iyo sida ay ugu hawlan yihiin inay u gargaaraan dadkaasi wixii ay wax u qaban karaan, waxaanu madaxweynuhu bukaanka u duceeyey Allena uga baryey inuu dhibta iyo xanuunka ka dulqaado uguna bedelo caafimaad sareecana.

Aamiin Aaamiin Aamiin