Madaxweynaha Somaliland oo Sheegay In Soomaaliya Caalamka Tustay Cadaawada ay u Hayso Somaliland

Hargeisa(GNN):-Wargeyska The National ee ka soo baxa dalka isu-tagga Imaaraadka carabta, ayaa daabacay jawaabtii adkayd ee madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu ka bixiyey dhawaaqii daandaansiga ah ee dawladda aan iskeed isu maamuli karin ee Soomaaliya kaga soo horjeedsatay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee ay wada galeen horaantii bishan dawladaha Somaliland, Itoobiya iyo shirkadda DP World.
Siday wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ka soo xigatay wargeyska The National, madaxweynaha Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi ayaa mowqifka Soomaaliya ka istaagtay heshiiska casriyeynta marsadda Berbera ku sifeeyey cadaawad aan macno lahayn.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu caddeeyey in hadalka Soomaaliya aanu wax sharciyad ah ku fadhiyin isla markaana aanu wax saamayn ah ku yeelanaynin heshiiska saddex geesoodka ah ee ay 1-dii bishan March ay Dubai ku kala saxeexdeen shirkadda DP World iyo dawladaha Somaliland iyo Itoobiya.
Md. Muuse Biixi waxa uu iftiimiyey in dhawaaqa Soomaaliya uu bulshada caalamka tusayo cadaawada ay Soomaaliya u hayso Somaliland.