Daawo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Markii U Horeysay Waxka Badal Ku Sameeyay Digreeto Uu M/Wayne Muuse Biixi Soo Saaray

Hargeysa (GNN)Wasiirka wasaarada arimaha gudaha  Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa waxaa uu noqonayaa agaasimihii ugu horeeyey ee wax ka bedel ku sameeya digreeto madaxweyne oo uu dhawaan soo saarey madaxweynaha Somaliland HALKAN HOOSE KA DAAWO VIDEO

 

Wax ka bedelkan ayaa ah kadib markii madaxweynaha Somaliland 01.04.2018 uu magacaabis uu sameeyey uu xilka agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha ee gobalada iyo degmooyinka u magacaabey Md Mukhtaar Maxamed Cali .

Wasiirka ayaa la sheegay in uu hor istaagay maalintiishalay aheyd in uu masuulkaasi uu xilka uu madaxweyne Biixi u magacaabey uu la wareego isla markaana uu ku war galiyey in uu la wareego agaasimaha waxaada amniga ee wasaarada arimaha gudaha oo aan aheyn xilkii loo magacaabey .

Muran badan ka dib wasiirka arimaha gudaha ayaa ugu danbeyn ku guuleystay in uu wax ka bedel ku sameeyo digreetadii uu madaxweyne Muuse Biixi soo saarey isla markaana uu agaasime la soo magacaabey ku wareejiyo xil aan aheyn kii warsaxafeedka lagu soo saarey loona magacaabey.

Fiiro Gaar Ah :- Ilaa hada ma jiro wax warsaxafeed ah oo saxaafada soo gaadhey oo lagu sheegaayo in masuulkan uu madaxweyne Biixi magacaabey xilkii loo magacaabey loogu bedelay xilkan uu maanta la wareegay ee agaasimaha waxaada amniga ee wasaarada arimaha gudaha.

GABILEYNEWSNETWORK(Gabiley.Net)

HARGEYSA OFFICE