DEG DEG Saraakiil ku dhimatay qarax ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Somalia

Taliyaha ciidammada isku dhafka ee gobolka Mudug ee xadka maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa ku dhintay qarax gordhaweyn ka dhacay magaalada Gaalkacyo, Gaashaanle Sare Cabdi Xukun Cabdullaahi Maxamuud (Xoreeye).

Sidoo kale waxaa qaraxa ku dhintay sarkaal kale oo ka tirsanaa ciidammadaasi militariga ah, Cabdiqani Axmed Geyre.

Inta la xaqiijiyay illaa seddax askeri oo kale ayaa qaraxaasi lagu dilay. Sidoo kale dad rayid ah ayaa loo maleynayaa in qaraxaasi ay ku dhinteen. Waxaana jiro dhaawacyo la geeyay cisbitaalka magaalada.