Faddeexad: Shirkadda Hass Petroleum oo Qiratay Shidaalka Xumaaday ee Suuqa Lagu Iibinayo

Hargeisa(GNN):- Labadii Bilood Uu u Danbeeyey Magaalooyinka Dalka Waxaa isa Soo taraysay Cabashada Shacabka  oo marba marka ka danbeysa kor u sii kacaysay, Waxaana Cabashadani timid kamid Markii dalka la keenay Shidaal Wasakhaysan oo Dhibaato baaxad leh Soo Gaadhsiiyey gaadiidleyda Kala Duwan ee Dalka Somaliland Gaar Ahaa Baabuurta yaryar ee Aan ahayn Kuwa Xamuulka Qaada.

Magaalada Hargeisa Caasimada Somaliland Waxaa todobaadkii u Danbeeyey buux-dhaafiyey Geerashyada Magaalada Ciladaha Kasoo gaadhay baabuurta Kala Duwan shidaalkaa Wasakhaysan ee dalka La Keenay oo sababay in Baabuurtu mar kaliya ay ku dhex bakhtido wadooyinka magaalada,

Hadaba Dhibaatadan Soo Waajahday gaadiidleyda Dalka oo aaney jirin cid ay u cawdaan iyo haayad Si gaara u Qaabilsan Arrintan oo ay hortagaan  Ayaa Is Waydiinaya talaabada ay Xukuumada Somaliland Ka Qaadi-doonto Shirkada Lagu magacaabo BERBERA OIL GROUP oo ah Shirkada Gacanta Ku haysta Maamulka Haamaha Shidaalka Berbera iyo iyo Shirkada lagu magacaabo  HASS PETROLEUM  oo Iyaduna Ka Gacansata iibka Shidaalka islamarkaana Kaalmaha ugu badan ee Caasimada hargeisa Kooto ku haysata Inay u keento Shidaalka, hass petrolim ayaa sidoo kale waxay kaalmaha ugu badan ee magaalada ku leedahay sheerer iyadoo Astaanta shirkadaasi dhammaanba lagu Xardhay Kaalmaha ugu Waaweyn Gudaha Caasimada, Warar is khilaafsan oo Ay Soosaareen Shirkada maamusha kaydka Haamaha Shidaalka iyo Masuuliyiinta Shirkada Hass Ayaa Waxaa Maalintii Shalay Warbaahinta Masuul u hadlay Shirkada Berbera Oil Group Oo Sheegay In Ay Shacabka Somaliland Ka Raaligalinayaan dhibaatadaa Soo gaadhay islamarkaana Waxaa uu si cad u qiray in Shidaalkaasi Dalka Soo galay, Kaas oo ay ku jiraan maadooyiin Kiimikaad oo aaney Garaneyn Sababta loogu soo daray, balse kadib markii baadhis lagu sameeyey ay u cadaatay,

Halka masuul u hadlay Shirkada Hass petroleum-na uu Maanta Warbaahinta La  hor yimid in xukuumada Somaliland ay Baadhitaan ku sameyso Shirkada Dalka Keentay Shidaalka Xun ee Dalka la Soo galiyey  waxaana ay dhankooda qireen in dhibaato weyni shacabka kasoo foodsaartay shidaalkaasi, Waxaana Inta la ogyahay Shirkada Hass ay gacanta ku haysaa Kaalmaha ugu badan uguna Waaweyn ee Dalka iyagoo masuuliyiinta u hadlayey iska Indhotiray In Ay habayaraatee Wax Lug ah kuleeyihiin ama ay Qayb Ka yihiin Keenista Shidaalkan Khalkhalka ku keenay Kumanaanka Kala Duwan ee Gaadiidka Ah.

Labadan Shirkadood Ayaa Kamid Ah Shirkadaha Dalka Keena ee Awooda U leh Maraakiibta Shidaalka Sida ee Kusoo Xidha Marsada Magaalada Berbera islamarkaana Kasii iibiya Ganacsatada yaryar.

Shacabka Somaliland Ayaa si Dhow Ula Socoda Talaabada Xukuumada Somaliland Oo uu Wakhtigan Gadhwadeen Ka yahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Talaabada Ay ka Qaado Shirkadahan iyo Shirkadaha kale ee lagu helo inay Qayb ka yihiinba Arrintan.

Arrintan ayaa u muuqata mid gil-gilasho falaadheeda oo aanse sidaa kaga go’ayn Shirkaddan oo haysata suuqa ugu balaadhan ee Shidaalka Somaliland lagu isticmaalo.

Halkan ka Daawo Shirka Jaraa’id ee masuuliyiinta Shirkadda HASS:

Dhanka kale Maamulka Shirkadda Berbera Oil, oo ka hadlay cabashada Shidaalka xumaaday ee suuqyada soo galay, ayaa tilmaamay in qalabka Shaybaadhka Haamuhu u sahli waayey in la ogaado tayada iyo xaalada Shidaalka soo gala Haamah.

Afhayeen u hadlay Shirkadaas, ayaa raali gelin ka bixiyey dhibaatada bulshada ka soo gaadhay Shidaalka xumaaday ee Gaadiidka waxyeellada gaadhsiiyey.

Halkan ka Daawo:

Cabashada Shidaalka xumaaday ayaa soo baxaysay todobaadyadii u dambeeyey.

Xogdheeraada oo ku saabsan Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera

Xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo, ayaa ku wareejisay Haamaha kaydka shidaalka ee Berbera inay ,maamulaan Shirkaddo gaar loo leeyahay oo ay kamid tahay Has Petroleum, hase ahaatee tallaabadaas ayaa ahayd mid ka mida khaladaadkii ugu waaweynaa ee xukuumaddaasi gasho, iyada oo sababaha ugu waaweyni ay yihiin qodobadan soo socda.

Qiyaas ahaan bishii waxaa soo mara haamaha  shidaalka, illaa 144,000 oo foosto oo isugu jira Naafto iyo Petrol, waxaana celcelis ahaan foosto kasta laga qaadaa lacag u dhiganta $17.6 taas oo 50% ay adeeg ahaan u qaataan shirkadaha maamula Haamaha Shidaalku, halka 50% soo hadhay ay tahay cashuur. Waxaana xisaab ahaan ay noqonaysaa 144,000x$17.6=$2,534,400 adeegga bishii ay haamuhu qaataan ayaa markaas noqonaya $2,534,400/2=$1,267,200, sannadkii waxaa shirkadahan ka soo gala adeegga dadweynaha $1,267,200×12=$15,206,400.

Xukuumaddu waxay kiro ahaan haamaha shidaalka uga qaaday lacag caddaan ah oo gaadhaysay $6,000,000 halka $5,000,000 lagu heshiiyey in lagu dayactiro haamaha shidaalka Berbera, guud ahaan lacagta laga qaaday waxay ahayd $11 Milyan oo dollar taas oo looga kireeyey muddo 25 sano ah in shirkadahani maamulaan. Marka aad eegto lacagta lagaga kireeyey 25 sannadood waxaa ka badan lacagta hal sano keliya ay soo xereeyaan haamaha shidaalka ee Berbera.

11 Shirkadood oo haamaha shidaalka maamulkiisa ku jira oo kala ah (Som Petroleum, Som Oil, Ream Petroleum, Alharbi, Deero Petrolium, Red Sea, Hass, Indho-bir, Muuse Dalab, Liibaan Petrolium, Cali Waraabe) shirkadahaas sagaal ka mid ahi waxa leh deegaamo gaar ah oo siyaasad ahaan xulafo ah.

Shirkadaha la siiyey Share-ka maamulka Haamaha Shidaalka, 5 ka mid ahi, illaa haatan iyo mar hore toonna shidaalba may soo dejin, haddana waxay qaataan dakhli ka soo gala adeegga haamaha.

Si kastaba ha ahaatee Xukuumadda Madaxweyne Muuse ayaa looga baahan yahay inay baadhis ku samayso Shirkaddaha Maamula Haamaha iyo cidda ka dambeysay Shirqoolka Shidaalka xumaaday lagu soo geliyey suuqyada si Bulshada loogu geysto dhaawac dhaqaale, waxaana xusid mudan inay iminka fartu ku godan tahay Shirkadda Hass Petroleum oo inta badan Shidaalka siisa Kaalmaha ugu waaweyn ee Magaalooyinka dalka.

Hargeisa Somaliland 

Gabiley News Network