Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Oo Ku Dhawaaqay Xal Laga Gaadhay Khilaafkii Ka Taagnaa Wasaarada Warfaafinta Somaliland.

Hargeisa(GNN):-Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada somaliland Sharmaarke Axmed Muxumed ayaa ku dhawaaqay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii ka taagnaa wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta.

Gudoomiye Sharmaarke oo soo bandhigaya qaabka loo dhameeyey khilaafka wasaarada warfaafinta ayaa waxa uu yidhi “Waxaa maanta si gobonimo badan u soo gebo-gaboobay khilaaf kooban oo ka dhex jiray Madaxda iyo tiro kamida Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta.Gudoomiye Sharmaarke oo maanta ka hadlayey kulan ay iskugu yimaadeen masuuliyiinta wasaarada warfaafinta iyo shaqaalihii khilaafku dhex mray  ayaa sheegay inaanay jirin cid guulaysatay balse laysku afgartay in la dhameeyo khilaafka ka taagnaa labada dhhinac isla markaana sharciga loo raaco.

-Iyada oo mudooyinkii u dambeeyey Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ku hawlanayd dhamaystirka khilaafkaas kooban isla markaana dedaal ugu jirtay bilowga bog cusub oo sharcigu sal u yahay ayaa maanta arinkaasi ku soo dhamaaday guul iyo qaranimo.

-Waxaan ku adkaynay ku dhaqanka sharciga, ixtiraamka dhexdooda iyo ilaalinta milgaha iyo haybada dawladnimada

-Waxaa tallaabo loo qaaday dhanka hufnaanta iyadoona lagu ballamay laab xaadhan iyo shaqo sharaf le

-Ma jirto cid gaar u guulaysatay waxaase maanta guulaystay SHARCIGA , waxaana muuqatay in hay’adaha dawladdu dhexdooda wax dhamaysan karaan

-Waxaa hubaal ah in qof walba qaldamo waxaase sharaf ah in qiraal kadib lagu qanco oo qalbiga la isku furo.

-Waxaan u mahadcelinayaa Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo si waayeelnimo badan ka muuqato arinkaas aan galnay noola dhameeyey isa markaana qalbi iyo gacmo furan ku soo dhaweeyey shaqaalihii mudooyinkii u dambeeyey ka maqnaa hawl maalmeedkoodii shaqo.

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Netowrk

Contactgabileynews@gmail.com