Muqdisho-Bililiqo Lagula Kacay Fadhiisimadii Ciidamada Emaradku Lahaayeen Oo Sababtay Dagaal Dhexmaray Ciidamada Maamulka Muqdisho.

Muqdisho(GNN):-Magaalada Muqdisho Waxaa Subaxnimadii Saaka Ka Dhacay Dhacadadii ugu Foosha Xumeyd ee Soo marta maamulka ka Taliya Magaalada Muqdisho, Arrintan Ayaa timid kadib markii dhawaan ay Xaruntii ay ka daganaayeen magaalada muqdisho ka bexeen ciidamadii dawlada imaaraadka carabta ee ku tababari jiray qaar kamida ciidamada dawlada somalia, waxaana bixitaankooda kadib ay kagaga tageen xaruntaasi dhamaan gaadiidkii dagaalka ee ay lahaayeen ciidmadaasi, waxaana halkaasi si rasmiya ula wareegay ciidamadii ay tababarka siin jireen oo ay gacanta u galeen dhammaanba gaadiidkii kala duwanaa, La Wareegitaankaasi kadib Waxaa iyaguna shalay maqribkii soo galay xeradaasi qaar kamida saraakiisha ciidamda milateriga ee dawlada somalia oo la baxay tiro gaadiid ah oo Dawlada UAE u keentay in lagu tababaro, Dhacdadan Saaka hadaba Ayaa Dabo Socotay Gadiid kale oo ay isku dayeen qaar kamida hogaamada ciidanku in ay la baxaan,

Halkan hoose ka Daawo-

Saxafiyiin Wax Ka Qoray Arrintan