Muwaadin u dhashay Somaliland oo 41-Sanno Kadib Ka Soo Baxay Xabsi Ku Yaalla Dalka Ethiopia

Hargeisa(GNN):-Cabdi Jibriil Bahdoon,waxa uu dalka Itoobiya ku soo qaatey,Xabsi dheer oo Cimrigiisa qeyb badan oo ka mid ah la wadaagey, kadib markii la qabtey isagoo ka mid ah Ciidamadii Xooga Soomaaliyeed ee Sanadii 1977-kii ka dagaal galey dalkaasi Itoobiya xiligaasi oo lagu Ridey jeelkii uu kasoo baxey Toddobaadkan Gudihiisa.

Ajashiisa Baaqiga aheyd iyo Qoraalka Rabi ayaa ku simey inuu Xiligan mar kale horyimaado qoyskiisa oo afartan sano iyo dheeraad ka hor uga samrey inuu ka mid noqdey Ciiddankii ku dhintay dagaalkaas axankiisana u qadimey markii lagu wargaliyey in aabahood ku dhintey Dagaalkaasi haseyeeshee,waxa ay mar kale murugo iyo dareen culus ku abuurtey caruurtiisii,iyo caruuraha

ay sii dhaleen mudada uu Xabsiga ku jirey iyo dhamaanba intii aqoonta u laheyd ee eheladiisa ka midka ahaa,waxaaney Sheekadiisu kamid aheyd arimaha ugu hadalheynta badnaa guud ahaanba Gobolka Gabiley,iyo Bulshada kale ee Somaliland oo sawiradiisa ka daalacdey baraha ay Bulshadu ku kulanto ee Facebook.

Cabdi Jibriil Bahdoon oo wakhtigan ah Soomaaligii ugu xadhiga Dheeraa ee sanada 2018ka kasoo baxey Xabsigii uu galey sanadkii 1977kii,Qoyskiisa oo laba inan oo kamid ahi ku maqan yihiin dalka Dibadiisa,mid kamid ahina katirsan yahey Ciidamada Qaranka ayuu xiligan kusoo guryo noqdey,waxaana ka muuqda guud ahaanba dareenka noloshiisa darranyo iyo dhibaato xoogan,ee uu wehelka ugu ahaa Xabsiga uu mudada dheer kujirey,waxaana wajigiisa laga dareemayaa marka dhab ahaan loo fiirsado saameynta maskax iyo jidheed iyo raadadka uu xadhigaa dheeri kaga tagey naftiisa.

Su,aasha isweydiinta muddani waxey tahey,Cabdi Jibriil Bahdoon ma waxa uu u baahan yahey in lagu Casuumo Huteelka Maansoor, mise waxa uu u baahan yahey,in gurmad buulo iyo banbaano ah loo sameeyo,oo la daba qabateeyo si uu u helo daryeel iyo xanaano uu kaga soo doogsado diihaalka iyo diifta Xabsiga uu mudadda dheer ku xidhnaa bal aynu eegno,sida loo waajaho muwaadinkaasi marxalada adag kusoo qaatey noloshiisa,iyo sida ay dareenka ula wadaagaan,Xukuumadda,Ganacsatada Kasoo jeeda Gobolka Gabiley Maamulka Degmada Gabiley,Waxgaradka iyo Aqoonyahanka Deegaankaasi marka laga taggo sheekadiisa ay meel walba ku hadalhayaan,islamarkaana, ay ugu gudbin lahaayeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo isaguna hore inoogu sheegay in uu kamid ahaa Saraakiishii ka qeyb qaadatey Dagaalkii Itoobiya iyo Dalkii hore la isugu odhan jirey Soomaaliya sanadkii 1977kii.