“Wasiiraddu Hal-abuur Ma Keenaane Ee Qalin Iyo Warqad Ayay La Yimaadaan…” Madaxwayne Muuse Biixi Oo Fariin Duur-xul Ah U Direy Golihiisa Wasiiradda

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa falaadh kullul ku ganay xubnaha golihiisa wasiirada. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa golaha wasiirada ku dhaliilay qaar aan lahayn hal abuur anfaca bulshada, ay miiska shirarka la yimaadaan qalimaan iyo warqado ay wax ku qoraan.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa hadalkan ka sheegay mar uu qaabilay dhalinyaro reer somaliland ah oo hal abuur
cusub soo kordhiyey. Madaxweyne Muuse Biixi oo la hadlaya dhalinyarada uu qaabilay soona bandhigaya hal abuur la,aanta golihiisa
wasiirada ayaa waxa uu yidhi “Aad iyo aad ayaan idiin soo dhawaynayaa marka hore,ku soo dhawaada gurigiina
madaxtooyada, waxa noo sharaf ah inaad ku fadhidaan kuraastii wasiirada oo waliba idinku aad hal abuur keenteen; wasiiradu hal abuur ma keenaane,qalin iyo warqad ayay la yimaadaane inaad keenteen waa kuwan I horfadhiyee idinka oo da’yar aad wax wada fikir cusub ah oo hal abuur ah aad keenteen, aad iyo aad ayaanu idiinku mahad naqaynaa,waanu idiin ducaynaynaa, waanuna idinla shaqaynaynaa.”

Hadalka madaxwayne Muuse Biixi ayaa u muuqda in uu si gaar u beegsanaayo golihiisa wasiirada oo uu ka dareemay habacsanaan iyo karti daro hays.

Halkan ka daawo muuqaalka madaxwayne Muuse ku sheegay hadalkaasi