War Deg-Deg Ah: Qarax Hadda Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.

Qaraxan  ayaa la sheegay in uu ahaa gaadhi laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay kaantoroolka ciidamada dowladda ay ku leeyihiin wadada aada garoonka diyaaraddaha Aadan-Cadde.

In kastoo aan sidhab ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxaasayaa dad aan lahadalnay waxa ay sheegeen in uu jiro khasaaro ka dhashay qaraxaas.

Gawaadhida  gurmadka degdega ee ambalaasta ayaa goobta ku sii qul qulayaan, sidoo kale ciidamada nabad-sugida ayaa xidhay dhammaan goobta uu qaraxu ka dhacay.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadan qaraxan se waxa inta badan la wada og yahay in qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ay sheegtaan kooxda Al Shabaab.

La Soco Wararka Kasoo Kordha Arrintaasi.