War Cusub-Dawlada Imaaraadka Carabta Oo Aqoonsatay Baasaaboorka Somaliland

Hargeisa(GNN):-Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa aqoonsatay in dalkeeda lagu soo galo Saddexda Nooc ee uu ka kooban Yahay Baasaaboorka Somaliland, kuwaas oo kala ah baasaabooradda ay qaataan shacabku, Diplomasiyiinta iyo ka shaqaalaha dawladdu.

Sidaasna waxa maanta cadeeyay Eng. Faysal Cali Waraabe oo sheegay in ay tani u tahay bilawga aqoonsi ay Somaliland ka hesho dunida inteeda kale.

“Waxa aan aad iyo aad u hambalyaynayaa madaxda dawlada Imaaraadka carabta oo uu ugu horeeyo sheikh Khaliifa taalabada geesinimada ah, ee xaqqa ah ee ay qaadeen, taariikhdana waxa ay ka geli doonaan baal dahab ah.

Aad iyo aad baan u soo dhaweynayaa In saddexdeenii
Passport ee Diplomat, Service iyo Kii shacabkaba ay aqlabaan In lagu galo dalkaasi, waxaanay bilaw u tahay aqoonsiga  Somaliland, waxaanan u rajayaa in ay waddamo badanina ay ku dayan doonaan.

Waxaanay caruurteena iyo hablaheenu ka raysan doonaan Baasaaboor ay u doontaan garoowihii lagu bahdilayay, waxaanu insha allaah uu keeni noqon doonaa kuwa aduunka ugu qaalisan” ayuu yidhi faysal Cali waraabe Oo Bulsho U Waramayay.