Shir balaadhan oo ay isku yimaadeen jaaliyada reer somalind ee dalka maraykanka oo maanta ka dhacay magaalada Minneapolis Minnesota ee cariga dalka Maraykanka shirkaas oo ujeediisu ahay taageerada ciidamada qaran Somaliland ee ku sugan jiida hore ee gobalka Sool gaara deegaanka Tukaraq , kulankaas oo ay joogeen qaybaha kala gedisan ee bulshada sida ganacsatada , aqoonyahan haweenka iyo dhalinyarada kuwaas oo dhaamantooda muujiyey taaageerada ay la garab taagan yihiin ciidamada qaranka ee ku sugan jiida hore ee gobalka Sool gaara ahaa deegaanada xuduudka ay Jamhuuriyada Somaliland la wadaagto dalka Somaliya .
Sidoo kale waxay uga digeen xukumada itaal yare ee Somaliya iyo maamul gobaleedka Puntlaand inay joojiya fara galinta iyo ku xad gudubka xaduudaha qaran Somaliland hadii kale oo ay joojin wayaan fara galinta ay dhirbaaxo kulul kala kulmi doon geesiyaasha difaacayaasha qaranka Somaliland kuwaas oo hadh iyo habeen u taagan difaaca dalka Somaliland ,marlabada jaaliyada Somaliland ee dalka Maraykanku tilmaameen in laga garab tagaan yihiin deeq iyo diriir geesiyaasha ciidamada qaranka Somaliland eek u sugan jiida hore .
Dhinica kale qurbo jooga Somaliland ee ku dhaqan dalka Maraykanku waxay baaq nabadeed u dirayaa beelaha walal ah ee dhawaan shaqaaqdu ku dhex maray deegaanada gobal Sanaag gaara ahaa deegaanka Ceel afweyn waxay jaaliyadu u baaqeen in si degdega loo joojiyo shaqaaqda lana qaato nabada .
Link baaq nabadeed
Chairman Somaliland youth Association in North America (SLYA)
Mohamed Jama Garas
Minneapolis Minnesota
Email: S.landyouth50@gmail.com