Daawo Maamulka Wajaale Oo Wadooyin Magaalada Ku Sameeyay Dayactir Sido Kalena Bulshada Wajaale Ugu Baaqey In Ay Udiyaar Garoobaan Xuska 18KA MAY

Wajaale(GNN)Maamulka Degmada Wajaale Oo Horkacayo Gudoomiye Ku Xigeenka Wajaale Mursal Nuux Cismaan Oo Ah Masuul Ka Shaqeeya Kobcinta Iyo Hormarinta Degmada Wajaale Oo Ah Magaalo Ganacsiyeed   Loogu Yeedho Dekeda Qalalan Ayaa Maanta Gudaha Magaalada Ka Fuliyay Nidaam Lagu Hagaajinayo Wadooyinka Halbawlaha AH Ee Ay  Iisticmaalayan Gaadiidka Ganacsiiga Ee Wajaale Alaabaha Kuso Daabulo,Waxana Hawlgalkan Qayb Isna Ka Ahaa Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Ee WajaalE Gudoomiye Ku Xigeenka Wajaale Mursal Nuux Cismaan Wuxu Ururada Haweenka Ganacsatada Ururada Dhalinyarada Uqaasha Madaxdhaqmedka Iyo  Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada  Degamada Wajaale Ugu Baaqay In Maalinta Qaranaiamda Ee 18ka May Si Wayn Loogu Dabaaldego Si Loo Muujiyo In Shacabka Wajaale Ay Kaalin Wayn Kaso Qaateen Xoriyadii Iyo Gobonimadii Somaliland,

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA

Mursal Nuux Cismaan Oo Ah Masuul Hadalo Cadcad Ayaa Bakhaarada Tukaanada Huteelada Iyo Dhamaan Goobaha Ganacsiga Wajaale Ugu Baaqey In Ay Ku Xardhaan Meheradoohaga Astaanta 18Ka May Iyo Calanka Somaliland Iyado Lagu Wado Xuska 18 MayIn  Dalka Laga Qabto 15 May Maadama 18 May Ay Tahay Maalin La Soomanyahay Sida Daraadedna Loogasoo Hormariyay,

Si Kastaba Ha Ahaatee Magaalada Wajaale Waa Magaalo Shacbiyad Badan Waana Hubaal In Bulshada Wajaale Ay Wacdaro Dhigi Doonto Xuska 18 May Iyago Ku Muujin Doona Sidey Uga Go,antahay Qaranimada Iyo Madaxbanaanida Somaliland,

REPORTER JACFAR CAWIL HERERI

GABILEYNEWSNETWORK(GNN)

WAJAALE OFFICE