Hargeisa(GNN):-Suldaanka Guud ee Qurba Joogta Somaliland Suldaan Cabdilaahi Cismaan Aw Xasan oo ka mid ah Madax-Dhaqameedka Somaliland E e qurbaha ayaa waxaa maanta Si diiran loogu soo Dhaweeyay Madaarka Cigaal ee Magaalada Hargaysa.
waxana halkaasi ku soo dhaweeyay Madax-dhaqameed, Aqoonyahan iyo Siyaasiyiinta kala duwan ee Dalka,
Ugu Horayn waxaa kalmado soo dhawayn ah ka jeediyay Caaqil Muuse Ciise Xirsi, Aqoonyahan Luqmaan Xamse Gaada-wayne, Jiif Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan, Siyaasi Muuse Muxumed Guuleed (Muuse Inji). Iyo xubno kale oo tiro badan.
Ugu Danbayn Waxaa halkaa kalmado mahadnaqa ka yidhi Suldaan Cabdilaahi Cismaan Aw Xasan, isagoo Dhanka kalena baaq nabadeed u diray Beelaha Walaalaha ah ee Dirirtu ku dhexmartay Deegaanka Ceel-afwayn ee gobolka sanaag isagoo ugu baaqay in ay si deg deg ah u joojiyaan Dhiiga bilaa macnaha ku daadanaya.ee dadka walaalaha ah,
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;