Daawo-Maxkamadda G/M Jeex Oo Xukuntay Shirkad Adeegsatay Magaca Shirkad Kale Oo Dalka Ka Shaqaysa.

Hargeisa(GNN):-maxkamada Rafcaanka Ee gobolka maroodi jeex ayaa maanta xukun kasoosaaratay muran u dhaxeeyay shirkada takaful insurance of Africa iyo shirkad la baxday magaca somtakaful taas oo ay maxkamadu kasoo saaraty xukun

kadib markii ay labada shirkadood isku qabsadeen magaca takaful insurance cida sharci ahaan dalka uuga isticmaali karta taas oo ay maxkamadu u xukuntay shirkada takaful insurance of Africa inay tahay shirkada xaq uleh inay isticmaasho magaca takaaful insurance maadaama ay tahay shirkadii ugu horayn loo duwaan galiyay magaca takaaful insurance dhanka kale maxkamadu waxay fartay in shirkada somtakaful ay mudo 30 cisho gudahood oo ka bilaabmata 12/5/018 ay ku badasho magaca somtakaaful insurance maadaama uu sharcigu ubanaynnayn in laba shirkadood oo isku magaalo isku shaqo iyo isku magaci ay dalka ka shaqeeyaan taas oo ka hor imanaysa mabaadiida guud iyo shuruucda dalka iyo kuwa caalamkana isla markaana ay ka hor imanayso habka duwaangalinta companyada dalka ee uu jideeyay xeer Lr25/2004

Sidoo kale waxaa maxkamada u mahad celiyay Garyaqaan Cumar Max’ud  Xuseen Cumar Goodaad   dhamaan haayadaha garsoorka iyo wasaarada ganacsigaba waxaanu sheegay in ay garsoorka Somaliland maanta cadaalad loogu imanayo waxaanan ku farax sanahay kuxunka maxkamada rafcaanka xukunkaas oo ah guul ay gaadhay shirkada aan qareenka u ahay ee takaaful insurance of Africa