DAAWO ; Suldaanka Qurba Joogta Somaliland Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Hargaysa.

Hargeisa(GNN):-Suldaanka  Guud ee Qurba Joogta Somaliland  Suldaan Cabdilaahi Cismaan Aw Xasan oo ka mid ah Madax-Dhaqameedka Somaliland E e qurbaha ayaa waxaa maanta Si diiran loogu soo Dhaweeyay Madaarka Cigaal  ee Magaalada Hargaysa.

suldaan qur 1

waxana halkaasi ku soo dhaweeyay Madax-dhaqameed, Aqoonyahan iyo Siyaasiyiinta kala duwan ee Dalka,

 Ugu Horayn waxaa kalmado soo dhawayn ah ka jeediyay Caaqil Muuse Ciise Xirsi, Aqoonyahan Luqmaan Xamse Gaada-wayne, Jiif Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan, Siyaasi Muuse Muxumed  Guuleed (Muuse Inji). Iyo xubno kale oo tiro badan.

qurba joog

Ugu Danbayn Waxaa halkaa kalmado mahadnaqa ka yidhi Suldaan Cabdilaahi Cismaan Aw Xasan, isagoo Dhanka kalena   baaq nabadeed u diray Beelaha Walaalaha ah ee Dirirtu ku dhexmartay Deegaanka Ceel-afwayn ee gobolka sanaag isagoo ugu baaqay in ay  si deg deg ah u joojiyaan Dhiiga bilaa macnaha ku daadanaya.ee dadka walaalaha ah,

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;