“Hayadda Horumarinta EAD oo shir ku qabatay London  iyo baaq ku saabsan wax soo saarka beeraha oo ay u dirtay bulshada Somaliland “

London-Waxaa xalay oo ku beegnayd (05.05.2018) lagu qabtay magaaladda London shir ay soo qaban qaabisay hayadda Horumarinta Geeska Africa ee EAD (East Africa Development) oo xarunteedu magaaladda London ee dalka UK.
Shirkan oo ay ujeedadiisu ahayd dar dar galinta hawlaha horumarinta hayadda EAD, waxaa ka soo qayb galay guddida fulinta iyo qaybo ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee ku nool magaaladda London iyo xubno ka yimid gobolo kale iyo Somaliland-ba.
Shirka waxaa lagu soo bandhigay waxqabadkii hayadda EAD ee labaddii sano ee tagay iyo qorshaha waxqabad ee mustaqbalka dhaw iyo ka fogba.
Sidaas oo kale, intii uu shirku socday waxaa la iska xog waraystay baahiyaha ka jira deegaamadda ay hayaddu ka shaqayso iyo sidii wax looga qaban lahaa arrimaha aas aasiga ah sida caafimaadka, waxbarashadda, beeraha,  biyaha iyo dhismaha wadooyinka.
Ka qayb galayaashii shirku waxay hayadda EAD ku amaaneen kaalinta muuqata ee waxqabad ee ay hayaddu ka qaadatay arrimaha horumarinta iyo samafalka gaar ahaan gurmadkii abaarahii ka dhacay Somaliland 2015-2017-kii.
Ugu dambayntii, Hayadda EAD waxay ku dhiiri galinaysaa bulshadda Somaliland in laga faaiidaysto xili roobaadka bilaabmay, xooga saaraan waxsoo saarka beeraha si loo gaadho isku filnaansho dhinaca cuntadda ah.

 

Dr Mohamed Yusuf Aw Ali, MD, MPH
London,UK
mculimo2@gmail.com
Email:mculimo@yahoo.com,