Dardar-galin Lagu Sameeyey Shaqooyinkii Hantidhawrka Guud ee Qaranka + Kormeero Baadhitaan Oo Gobolada Ay Ku Marayaan.

Hargeisa(GNN):-Hantidhawrka Guud ee Qaranka Somaliland Oo Dawlada U Qaabilsan Sugida iyo La Socoshada Ilaalinta Hantida Qaranka Somaliland Sidii Bulshada Si Waafaqsan Shuruucda Dalka Loogu Shaqayn lahaa Ayaa Waxaa jira Dadaalo Waxqabad oo Bilihii ugu Danbeeyey la Jaanqaaday Isbedelka Xukuumada Cusub ee uu hogaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo Lagu Sameeyey Xafiiska Hantidhawrka Guud.

Walow Uu Xafiiskani markii horeba Qaban jiray Shaqada caadiga ee uu Qaranka u hayo,iyadoo ay jireena cabashooyin ay ka qabaan Asxaabta mucaaridka ahi oo ku qotomay in sidii loogu talogalay aanu u shaqayn, haddana waxa jira dadaalo lagu kobcinayo Shaqada Xafiiska kadib markii madaxweynaha Qaranka Somaliland U magacaabay islamarkaana u igmaday inuu Qaranka U Qaabilsanaado  Hantidhawrka Guud Shaqadaasi Baaxada leh  Aqoonyahan Axmed Yuusuf Dirir Oo Aqoon Dheer u leh hawlaha Audinting iyo Xisaabaadka.islamarkaana waayo aragnimo dheer oo dhinaca shaqada ah kagaga soo shaqeeyey goobo kala duwan oo ay ugu danbeysay Dekeda Berbera oo uu kasoo Noqday Mareeyaha ugu sareeya.

Dardar-galin Joogto ah oo uu Ku Sameeyey Xafiiska hantidhawraha guud ee Qaranka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Dirir isagoo kaashanaya agaasimaha guud ee hantidhawrka mudane Axmed Xaashi cilmi ayaa Waxaa si joogto ah loo hirgaliyey shaqadii gudaha ee xafiiska iyadoo la dhisay Waaxyo kala duwan oo si madax banana u qabta shaqadii xafiiska si loo fududeeyo shaqadii hantidhawrka, waxaana Kor-uqaadidaasi shaqo ee xafiiska kadib laga bilaabay Qaar Kamida  gobolada iyo degmooyinka dalka Kormeero ay Saraakiil Ka Socoda Xafiiska hantidhawrka Qaranku Kusoo sameynayaan Baadhitaano lagu Sugayo hantida Qaranka. Iyadoo gobolada ay Baadhitaanada Ka bilaabeen ku sameynayaan ay kala yihiin Xarumaha Dawladaha hoose iyo wakaalda biyaha ee degmooyinka Berbera Burco iyo Gabiley Borama.

Waxaana Baadhitaanadaasi Ku Qotomaan Sidii loola Socon lahaa Shaqooyinka Ay U Qabtaan umada Laamahan kala duwan ee dawladu iyo Hubinta Dhaqdhaqaaqyada Dhinaca dakhliga ee xarumahaasi iyo sugida sidii qofkasta oo muwaadin ahi uu u ilaalin lahaa shaqdaasi uu qaranka u hayo.

Waxaana Saraakiishan ka Socoda Haayada Hantidhawrku Si dhaw ula socodaan una hubinayeen dhammaanba foojarada lagu qabto dakhliga kala duwan ee dhinaca cashuuraha iyo maaliyada qaranka usoo xeroota, waxaana badi soo gabogaboobay baadhitaanadaasi lagu sameeyey xarumahaasi, Waxaana Talaabadani Ka danbeysay kadib markii uu hantidhawraha guud balanqaaday wakhtigii uu la wareegayey xilka oo hadda laga jooga wakhti kooban inay sameyndoonaan baadhitaano lagula soconayo xafiiyada kala duwan ee laamaha dawlada Somaliland si loo sugo hantida qaranka.

Si Kastaba ha ahaatee dadaalkan dardargalineed ee hawlaha shaqo ee xafiiska hantidhawrka guud ee qaranka Somaliland ayaa noqonaya mid kor loogu qaadayo hawlaha waxqabad ee hayadaasi, waxaana jira qorshayaal kala duwan oo kor loogu qaadayo hawlwadeenada ka hawlgala shaqada xafiiska iyadoo ay jireen tababaro hore loogu furay shaqaalaha si loo kobciyo heerka aqooneed ee baadhayaasha hantidhawrka qaranka.

Hay’ada Hantidhawrka qaranka Somaliland ayaa ka mida Laamaha ugu Muhiimsan ee dawlada Somaliland iyadoo wakhtigan isbadal lagu diirsadaa uu ka hanaqaaday xafiiskan oo shaqada u taalaa ay tahay mid aad u balaadhan.

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network