Tixgabaya Oo Ka Hadlaysa Qiimaha Nabada-By Saleebaan Cabdi Cali.

GUMARO:

Tixdan Gabayga ah waxay ka hadlaysaa qiimaha nabada iyo dhibaatada laga dhaxlo colaada. waxay soo baxday 02/06/2018, waxaana tiriyey Saleban Cabdi Cali (Kalshaale).

Hal-qabsiga iyo ku socotada Tixdu waa koox Hal-abuur ah oo hawlo-nabadeyn ah u tegay Gobolka Sanaag, halkaana ka wada kulamo iyo shirar lagu heshiisiinayo Beelaha Dirirtu dhex martay ee wada degan nawaaxiga Degmada Ceel-Afweyn iyo qaybo badan oo kamida Gobolka Sanaag.

Gabayga waxaan ka dirayaa Hargeysa, waxaanan u diray Sanaag iyo Golaha Hal-abuurka.

Guurtida is-xilqaantee ka tegay Gobolkan aan joogo

Goonyaha Hargeysa iyo Galbeed Gaadhi kaga gooshay

Ee Gabiley uu Geesh ka yimi Awdal Garabkeeda

Marka hore Salaan tii golboon mudane geystayda

Gob intaan ku sooryeyn jirroon meel isugu geeyey

Iyo  tii inoo gaar ahayd gacaleyaal hooya

Xigtadana gufaacada dhibcaha gacaleyaal hooya.

Inkastoo Safrada aad gasheen  galab baqoolkiina

Weftigiinu goor hore boxoo sanqadh yaraan guuray

Ujeedada u guusheen hadday gudasho buuroowday

Oo uu galshada Ceel-afweyn baaqi nabad geeyay

Galad eebbe weeyoo Ducuun lagu gargaaraye

Waana guul Qofkii garanayaa gacan ka geystaaye.

Aniguna kamaan gaabinoo doorkay maan gabine

Xalay gelin-dambeedkii mar aan gam’ ka soo toosay

Guddoonsada tixdaan soo godleey gocatay laabtaydu

Oo Ganey iyo Gahayroow markaa geliya Diiwaanka.

Guluf iyo Colaad-baa Nin ogi Boqol ka guuraaye

Nabadana midkii garanayaa gaadh ku dhowrsade

Gobollada Sanaag iyo Saraar taladan gaadhsiiya.

Maahmaah gu’ weynoon anigu Oday ka soo gaadhay

Kana mida Murtidan Guuray iyo abid gaboobaynin

Godka Xarafka anigoon ka bixin aan garoocsado’e.

Gaawe Dhay ah Nabad-baa sidii nolol gaboodkeeda

Gunno weeye aan cidina hurin oon la goyn karine

Adoo Gaajo qaba waa nimco aad soor ka gurataaye

Hurdo laguma galo Guri-habaas Dhagari Gawdiidde

Maahmaah kalena waxay tidhi Colaad Geesi lagu waaye.

Sokeeyaha is gowracaye, dagaal Gumac ku haasaaway

Goblankiyo, Gubtada aakhiree galangal Naareeda

Go’doonkiyo dhitada gaamurtee Beesha kala geysa

Guul-daradan Garowshiyo lahayn Qoyska kala guuray

Gaas-dhagoolka, doob-guunka iyo Gaash-qaadka is goobay

Gurboodkiyo, guddoonshaha is-dhalaye, haamada is gooyey

Gaafkiyo Aroosyada la gubay Gabanka hiil waayey

Gaariduu Walaalkeed u xidhay Asayda guud saaran!

Geyaan kala Irdhoobay, Gabdhaha sebanka guur seegay

Soohdimaha la kala goostay,cidlada galowgu Dhiilaabay

Garwaaqsiiya inay tahay fidmada Gorofka loo cuurtay

Gumaradu Walalkii nin dilay goostay Midhaheeda

Ama Guusha uu helay midkii gacalki soo toogtay

Iimaankaa ka guuroo Wanaag geedki laga soofye.

Gardarrada, Ilmaabtida is-dilay, gulufka hoos gaadhay

Nabar Caabuq hoos galay, dushiyo guudka sare dhayga

Gegadii Mijiliskiyo rugtii geeshku wada joogay

Geedkii Barbaartiyo Nin Qarad u ahaa goofaadhka

Shaxda goobti lagu dheelayiyo golihii waaceenka

Geellii la wada maali jiray, gob iyo xaalkeeda

Gaadiidkii la wada dhaansan jiray gubaha Jiilaalka

Gaxadhkii la wada daaqi jiray Kaynta guradeeda

Gabal-dhaca Iftiinkii bedelay goortii lays dooxay

Garwaaqsiiya inay tahay fidmada Gorofka loo cuurtay

Gumaradu Walalkii nin dilay goostay Midhaheeda

Ama Guusha uu helay midkii gacalki soo toogtay

Iimaankaa ka guuroo Wanaag geedki laga soofye.

Yaqiin go’a, Islaamnimada gudhan bellada loo guuxay

Gefka Eebbe laga galay, Shirkiga guntiga loo faytay

Wacadkii la wada galay kal hore Dhaarti lagu giijay!

Inay Xadhig Ilaahoo go’iyo tahay gunnaad yaalla

Ama  tahay dunuub gaaxsanoo la iska goyn doono

Iyaduna Xaq weeyoo garaad looma gees marine

Guunyadaada oo kuu Iirmaan gu’guna Maasheeyey

Abaar looma guuroo colaad waa gaday tahaye

Garwaaqsiiya inay tahay fidmada Gorofka loo cuurtay

Gumaradu Walalkii nin dilay goostay Midhaheeda

Ama Guusha uu helay midkii gacalki soo toogtay

Iimaankaa ka guuroo Wanaag geedki laga soofye.

Afartaa sidii Gabadhka roob, xiin ma kaga gooyey

Sumad gabaygu leeyahay Araar mowgu gabax siiyey

Halkii aan gantaalaha ku wayday Xaraf anoon guurin

Ma gilgilay gufaacada horaan nuxurka gaadhaaye.

Afar kalena waa gabagabiyo Gobol kaloon Baantay

Xasanoow wixii kaa gedmiyo waxaanad gaadhaynin

Xaajadu gedaan dhow ka dheer oo la goyn karo’e

Warar baa galbeed noogu yimi Maanka sii gubaye

Miday labada geesood tahayba farro godbaa yaalle

Gurmadkuba Shishuu kaga jiraa ceebta gudaheene

Gadaafiyo ribeyn uma gabyine, waxa  tibaax guuda

Gacmo cadow inuu xididku galay goorti lays baadhay.

Ha yeeshee gashiga taa ka yimi malaha raad goobe

Halkay Caawa goobaddu ku taal amase goolkayga

Gawdh-gawdhi maayee hadaan gibisha sii raaco.

Gobtu nabar ku yaalleey liqdaa Gaalliyo Islaame

Haddiise uu nabiib gurada jiro gacal heshiin waaye

Guux iyo gu’ahano Abid hadhaa waa gubtaho taalle.

Geestaada Dhuxuloow haddaan gobo’da kuu saanto

Gocondhadu halkay taal amase Mililka hoos gaadhay

Gujo dhalinta gulufkaa ibbaha  laga gunaynaayo

Gol-dalloolo huursani hadday Eel guntamay riixday

Oo ay Fiixdu goofaacsatoo qaraxday goorteeda

Maantaba gonday taal taladu loo gudboonyahaye.

Xeer-beegtidii goyn jirtiyo guurti mudankeeda

Gadh-cadaagii noo talin jiriyo adiga gaankaaga

Golle dawladdeed iyo culimo gabi ahaantoodba

Marka Geedka la isugu tagee gorodda lays dhaafsho

Yac-yacood go’aanka lagu dhidboo maalmo gabaloola

Oo berriba gabi-xoormo oon xeerar lagu gaydhin

Hoosaasin inaan lagu galadin nabada Gaankeeda

Maandhow Garsoorkiyo u sheeg golaha aad joogto.

Beeshana midh-baan gaar u odhan labada geesoodba

Gu’haad iyo Garmaajow aniga way gudboontihine

Gasiin weeye taladiisu curad joogga gedahaye

Ninamyahow waxaad galabsateen oo gaaxsanbaa badan’e

Guulle toobada u celiya oo gacanta laalaadsha

 Weedhahanna goofaadhiyoo geliya Maankiina.

Geesi xeradii waa nabad gambana guri Nin joogaye

In garaadku taliyoo samaha Gogosha loo faydo

Oo aan geeridii hore mid kale loogu godob reebin

Oo aan deriska geesaha mar kale Dakhar la gaadhsiinin

Ayaan gacalkayoow kaa martiyey galabkan maantaaye

Alle ha idin garansiiyo oo haydin guud-furo’e

Ana gabaygii waa iga dhan yahaye guule Mahadiiye.

Ana gabaygii waa iga dhan yahaye guule Mahadiiye.

FG: Haddii qadaf, Qallooc iyo waxoogaa ereyada fahamkoodu adkaada, Kas igama ahayne waa wax kama’ ah, waa mahadsantihihiin.

Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)