Dilalka Qorsheysan Ee Ka Dhaca Magaalada Muqdisho Oo Kordhay Xili Lagu Jiro Bisha Baraysan Ee Ramadaanta

Labo Dhalinyaro Ah Oo shalay Lagu Dilay Isgoyska Bakaaraha

Muqdisho (GNN):- Rag hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in ay ku toogteen Labo Wii loo dhalinyaro ah Isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen goobjoogayaal,

Dad goobjoogayaal ahaa ayaa sheegay in kooxo hubeysan toogasho ku dileen Labo dhalinyaro ah kaddibna goobta ka baxsadeen

Waxaa ay xaqiijiyeen goobjoogayaal in dhalinyaradan ay ka shaqaysan jireen Busteejada Suuqa Bakaaraha oo gaadiidka BLka ay ka qaadi jireen lacagta Busteejada.

Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana halkaasi ay ka bilaabeen howlgallo.

Waxaa muuqata in ay kordheen dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan, maadaama sida muuqata maalin walba ay magaalada ka dhacaan dilal loo geysanayo dad shacab ah iyo askarta dowladda ka tirsan.