Golaha Amaanka Oo Warbixin Ka Soo Saaray Colaada Tuka-raq Iyo Xaalada Bani-aadaminimo Ee Soomaaliya.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa fadhi uu shalay yeeshay lagaga hadlay colaadda ka aloosan degmada Tukaraq ee gobolka Sool, halkaas oo Somaliland iyo maamulka Puntland ee Soomaaliya isku hor fadhiyaan kadib dhawr dagaal oo ka dhex dhacay sanadkan.

Golaha ammaanka oo laga akhriyay bayaan uu soo saaray hoggaanka goluhu waxay dhammaan dalalka xubnaha ka ah isku raaceen in degdeg loo joojiyo colaadda Tukaraq, islamarkaana ciidamada la kala qaado.

“Golaha ammaanku wuxuu ka walaacsan yahay dagaallada ka soo cusboonaaday gobolka Sool. Golaha Ammaanku wuxuu dhinacyada ku boorrinaya in si aan dib u dhac lahayn loo fuliyo arrinta ka go’an bahwadaagta caalamka ee ah

in si dhakhso ah colaadda la joojiyo. Taas oo ay ku jiraan hadallada ama ficillada sii kicin kara xiisadda, waxa kale oo dhinacyada lagu boorrinaya in ay ciidamada kala qaadan oo wada hadal bilaaban,” Sidaas ayaa lagu yidhi bayaanka ka soo baxay Golaha Ammaanka.

Golaha Ammaanku waxa uu walaac ka muujiyay xaaladda bani’aadanimo oo uu sheegay in xiisadda Tukaraq uga sii darayso duruufaha awalba taagna waxaanu ku baaqay in dhinacyadu si degdeg ah u ogolaadan gargaarka bani’aadanimo si badqab iyo fududayn leh.