Goolaaftankii Gaas oo ku Dambeeyey  inuu Gooli-baadh u Adeegsado Shacabka Laascaanood. Qalinkii: Cumar M. Faarax

Durbaanaddii colaadeed ee uu Cabdiweli Gaaska Puntland garacaayey  wuxuu ka dhaxley cidhib la’aan aanu waxba ka taransan dagaalkii uu sannadkan  oo kaliya labada jeer ku soo qaaday degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.  Taasina waxay sababtay in badan oo ka mid shacabka Puntland ay u arkaan inuu wiilashooda  dabka u  saarayo si  uu  balaayo xijaab uga dhigo kursiga madaxtinimo ee uu kalkii labaad u ordayo Bisha December 2018.

Ardaayo ka tirsan beelaha Garoowe, Boosaaso iyo qaybo ka mid ah Qardho, ayaa  si feejigan ula socda ujeeddooyinka ka hooseeya inuu saacadihii u dambeeyey xil hayntiisa uu Mr. Gaas u  hoggaamiyey Puntland  dagaal aanay tahli karin  cuud iyo ciidan ahaan oo aanu sii odorosin cawaaqibkiisa. Waxaana meesha ka baxay abaabulkii beeleed iyo hamigii loo hayey ciidan urursigii muusanowga ku salaysnaa ee  Puntland ku dagaal gashay labadii dagaal ee u dambeeyey ee ka dhacay  jiida Tukaraq.

Warar laga helay ilo millatari oo ku sugan Garoowe  iyo Hargeysa ayaa si isku dhow iskugu waafaqay in  ciidammada Puntland si weyn looga gacan sareeyey isla markaana loo muquuniyey taliskii ciidammada Puntland oo haatan aanay suurtogal ahayn inay duullaanno waaweyn ku soo beegsadaan ciidammada Somaliland.

Waxaa shaki la’aan jabkaas  sii iftiimiyey  tallaabadii 14kii bishan xilalkii lagaga xayuubiyey madaxii hay’adda sirdoonka PIA C/risaaq Ciise Xuseen (Khaatumo) iyo Madaxii hay’adda amniga PSS C/laahi Aadan Maxamed (C/laalhi Ulle) oo wax laga saaray guul-darrada Garowe ka raacday  weeraradii u dambeeyey ee dhex maray  Somaliland oo lagu sifeyn karo “Nasiibkii hungoobay.”

Sidoo kale waxaa  la soo weriyey in dadka siyaasadda axadha  ee Puntland aaminsan yihiin in  afartii sannadood ama 1,460kii maalmood uu isteerinka u hayey Cabdiweli Gaas ammaanka Puntland u muuqday mid sii dhaadhacaya, taasina ay fajiciso ka dhigayso  siyaasada dalabta leh  ee uu masraxa la soo galay C/Weli Gaas oo khibrad ciidan iyo mid amni labadaba lagaga habboon yahay.

Haddaba, iyadoo Gaas uu quus ka istaagay  inaanu mar saddexaad miidaan toos ah kula diriri karin ciidammada soohdintooda ku sii jeeda ee Somaliland, waxay dantu ka maaran siin weyday inuu dagaalka u beddelo jiho kale oo uu u qoondeeyey  inuu dul-dhigo dhaqaale badan.

Ashkhaasta saamaynta ku leh  hoggaaminta Madaxweynaha Puntland waxay doorteen in maamulka Garoowe uu  kiciyo isla markaana abaabulo haweenka iyo dhallinyarada Laascaanood, si uu u kasbado taageerada dadweynaha, waxaanay Puntland qorshaysay inay abaabusho mudaharaadyo  rebashado wata oo da’yar  la soo abaabulay ay hub kala hortagaan ciidammada G/Sool.

Qoddobka labaad ee Puntland  isku raacday inay ku dagaal gashaa waxa weeye inay warbaahinta maamulkaas sida TV-yada, shabakadaha Internetka iyo saxaafada bulshada si maalinle ah uga faafiyaan dacaayado ka dhan ah Somaliland oo ay ku marin habaabinayaan dhegaha beesha caalamka, iyagoo dawladda Somaliland ku eedeynaya inay tacadi iyo barokicin ku hayso shacabka reer Laascaanood, inkastoo  uu Puntland  ka fashilmay  wejigiisii hore ee iskudaygaas oo ay bilowday khamiistii la soo dhaafay.

Waxa kaloo qorshaysan inay dacaayado samays ah u alifaan masuuliyiinta goleyaasha Somaliland kaga jira gobolka Sool iyo Buuhoodle.

Qoddob kale oo guul-darro suuraynaya ayaa ahaa sidii labada madaxweyne ee Muuse Biixi iyo Cabdiweli Gaas uga hadleen munaasibadii ciida soonfureed oo uu midna nabad ku baaqay, ka kalena dhiilo colaadeed ummadda la soo hor istaagay.

Madaxweynaha Somaliland  wuxuu mandaqada ugu bushaareeyey in aanay diidaynin haddii nabad iyo in wadahadal lagu dayo khilaafka soohdimaha ee u dhexeeya Soomaaliya, halka Cabdiweli Gaas uu minbarkii  salaadda ciidda la soo istaagay tawaawac qiiq isku qarin ah.

Ugu dambayn  waxa talaabooyinkaasi  muujinayaan tudhaale la’aanta maamulka Gaas  oo  u soo qaanshiirtay inuu dabka iskaga gooli-baadho haween iyo dhallinyaro iskuulleey ah, taasi oo Somaliland-na ay ciyaarayso xeeladii ay kaga gaashaaman lahayn wejiga cusub ee duullaanka Puntland oo ka qarmi weyday inay ku dhuumaalaysato shacabka.

Cumar Maxamed Faarax

cumarmfaarax@hotmail.com