Hantidhawrka Guud Ee Qaranka Somaliland Oo Maalmihii U Danbeeyey Baadhitaano Kala Duwan Ka Sameeyey Gobolada Saaxil Iyo Togdheer.

Burco(GNN):-Waxaa Maalintii Shalay iyo Maanta Safaro Shaqo Oo Baadhitaan Ku Tagay Qaar kamida Saraakiisha sarsare ee hantidhawrka guud ee Qaranka Somaliland Gobolka Saaxil iyo Togdheer. Waxaana Hawlahan Shaqo ee Masuuliyiintan ka socoday hantidhawrku ka fuliyeen Xarumaha shaqo ee dawladaha hoose iyo wakaalada biyaha magaalooyinka berbera iyo burco, Baadhitaankan oo Salka Ku haya sidii dalka looga tirtirilahaa musuqmaasuqa iyo sidii shacabku u ilaalilahaayeen hantida qaranka ayaa ahaa mid lagu dardar galinayo hawliha shaqo ee xafiiska hantidhawrka qaranka Somaliland uu sida joogtada ah u qabto habeen iyo maalinba.
Halkan Ka Daawo Masuuliyiinta Hantidhawrka oo ka Waramay Safarkan oo ay Kusii Mareen Magaalada Berbera.