Madaxwaynaha Somaliland Hal Talaabo Oo Uu Qaaday Makaga Dayan Doonaa Madaxda Geeska Afrika Iyo Wadamada Jaarka Ahi.

Hargeisa(GNN):-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi wuxu xilka Madaxwaynenimo la wareegay mudo haatan laga joogo lix bilood iyadoo mudadaa uu xilka hayay somaliland ay soo food saartay dhowr arimood oo kala duwan kuwaasi oo dhamaan keenay culus siyaasadeed iyo hadalhayn badan waxaana kamid ah dhacdooyinkaa Duulaan Dagaal Oo ay kusoo Qaaday Maamul Goboleedka somaliya iyo Somaliland, Shaqaaqooyin ka Dhacay Deegaanada Ceel-afwayn iyo Roobab Duufaano Watay oo xeebaha somaliland ka da’ay isla markaana Naf iyo maalba khasaare laxaadle soo gaadhsiiyay .

Dhamaan Arimaasi waxay culus siyaasadeed iyo mid dhaqaale ku keeneen bilowga xukuumada madaxwyne muuse biixi cabdi,

Marka laga tago arimaasi aynu kor kusoo xusnay madaxwaynaha somaliland  wuxuu tiraba Saddex jeer goob fagaare ah uu ku qabtay shirar jaraa’id kuwaasi oo warbaahinta madaxbanaana sitoosa ay  su’aalaha uwaydiiyeen iyadoon su’aalaha la waydiinayo aan cid gaara la siin isla markaana aan warbaahinta la kala xulan,

Labada wakhti ee madaxwaynuhu warbaahinta iskugu yeedhayba midwalba wuxuu hortaagnaa wakhti gaadhay 43min oo kala badh uu ka jawaabayay su’aalaha ay waydiiyaan suxufiyiintu,

Talaabadan uu madaxwaynaha Somaliland ku dhiiriday ee warbaahinta sida xorta uu ula hadlay wixii su’aala ee ay waydiiyaana uu ka jawabay ayaa noqotay mid soo jeedatay indhaha bulshada caalamka gaar ahaan umada ku nool geeska afrika siiba wadamada Somaliland ay dariska yihiin, oo marka aad eegto baraha ay bulshadu ku wada xidhiidho ay dadku madaxda wadamada ku hadla afka somaliga hogaamiyayaashooda usoo jeedinayeen in ay ku daydaan madaxwaymaha somaliland oo warbaahinta ay sidan oo kale u hor yimaadaan,

Waxaa xusuus mudan in  su’aalaha madaxwayna Somaliland ay suxufiyiintu waydiiiyeen ay qaarkood ku jireen kuwa aan xataa xiligan taagnayn balse ay keentay uu xoriyad hadalka Somaliland ka tisqaaday.

Hadaba talaabadan uu qaday madaxwaynaha Somaliland ee ah in warbaahinta uu muda laba jeer sitoosa u horyimaado makaga dayan doonaan madaxwaynayaasha geeska afrika ee hogaaminaya  wadamada la  jaarka ah Somaliland gaar ahaan kuwa afka somaliga aynu wadaagno

Kuwaasi oo kala ah; madaxwaynaha dalka jabuuti oo isuga ah hogaamiye mudo dheer soo hogaaminayay dalkiisa ma dhicin intii uu xilka hayay in uu sitoosa u horyimaado warbaahinta ka hawlgasha dalkiisa islamarkaana ay waydiiyaan su’aalo la xidhiidha xaaladaha ka jira dalkiisa

Balse waxay su’aashu tahay madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele makaga dayan doonaa madaxwaynaha Somaliland Talaabadan ku dayashada leh ee uu qaaday”

Madaxwaynaha  dawlada aan cagaha adag ku taagnayn islamarkana aan ka wada talin caasimada muqdisho Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo intii uu xilka madaxwaynimo hayay aan mar qudha warbaahinta si xor aha ula hadal madaxwaynaha Somaliland makaga dayan doonaa talaabadan xaga Dimuqraadiyada loo qaaday  iyo fagaare ka hadalka warbaahinta.

Madaxwaynaha dalka Kenya Uhura Keniyaata  oo muran dheer kadib mudo haatan laga joogo sanad lasoo doortay talaabadan madaxwayna Somaliland horseeday makaga dayan doonaan si uu bulshadiisa kalsooni dheeraada uga helo?

Raysal wasaarayaasha soo maray dalka Etoobiya ayaa iyana Looga baran in ay warbaahinta ka hawlgasha gudaha dalka Itoobiya si toosa ula hadlaan isla markaana ay ku waydiiyaan su,aalo madaxbanaan

Hadaba Raysal wasaaraha cusub ee dalka Etoobiya Abiy Axmed oo Talaabooyinka uu durba qaaday lagu tilmaamo siyaasi furfuran madaxwaynaha Somaliland makaga dayan doonaa talaabadan uu dhanka la hadalka warbaahinta uqaaday?

Madaxwaynaha  dawlad deegaanka somalida Etoobiya Cabdi Maxamuud cumar oo lagu tilmaamo hogaamiye ka duwan kuwii soo maray dhulka somalida etoobiya islamarkaana ku talaabsaday horumar la taaban karo maku dhiiran doonaan in uu madaxwaynaha Somaliland kaga daydo talaabadan ku dayashada mudan ee uu warbaahinta sida xorta ula hadlo? “

Sikastaba ha ahaatee madaxwaynaha Somaliland ayaa xiligan u muuqda mid talaabooyinka uu qadayaan ay  suurto gal tahay in ay waxka badalaan siyaasada hogaamiyayaasha geeska afrika  qaabkii ay ula dhaqmi jireen warbaahinta iyo cabsida ay ka qabaan wayddiimaha suxufiyiinta taasi oo hadii ay ku dhiiradaan noqon doonta mid uu horseeday madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland taariikhdana ugali doonta iyadoo lagu xusi doono diwaanada taariikhda qarniyada soo socda.

Hargeisa Somaliland 
Gabiley News Network.

Gabiley News Staf Writers.