Wasiirka Ciyaaraha Oo Cadeeyay In Xukuumadu Ku Fashilantay Daminta Colaadii Ceel-afweyn Xili Salaadiinta Beelahaasi Warbaahinta Isu Mariyeeen Jawaabo Xanaf leh.

Hargeisa(GNN):-Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha Somaliland Boos Mire oo kamida Wasiirada ka soo jeeda gobolka sanaag ayaa markii maanta warbaahinta lahadayay wuxuu shaaciyay in xukuumada madaxwayne muuse tahli  wayday daminta colaada ceef afwayn isagoo muujiyay in ay waftigoodii loo diray daminta colaadaasi fara madhan kala soo noqdeen.

Wasiirka ciyaaraha  ayaa sidoo kale ereyo calaacal ubadan ku dhaliilay dadka ka hadla colaadan iyo beesha uu kasoo jeedo oo uu duray, wakhti uu qaylo dhaan u diray dadweynaha kale oo uu ugu baaqay in ay colaadan soo faro galiyaan isagoo masuuliyadii xukuumada meesha ka saaray.

Hadalka kasoo yeedhay wasiir boos mire ayaa dareeno kala duwan ku abuuray bulshada reer Somaliland iyo guud ahaan gobolka uu kasoo jeedo oo uu fara badhan ka taagan yahay,

Halka ay warar kale oo xogagaal ahi wasiirka ciyaaraha Odayaasha iyo waxgaradka beesha uu kasoo jeedo ku eedeeyeen in  ay xidhiidho ka dhan ah Somaliland la sameeyen maamul goboleedka puntland horena usoo saaray go’aamo ay   ku cadeeyay mawqifkooda, wallow  wasiirku hadda cadeeyay  in uu fara madhan ka joogo .

Iyadoo Deegaanka Goof ee ay isku urursadeen ciidan beeleedku uu yahay deeganka uu wasiirku soo jeedan qoys ahaan,

Dhawaaqa kasoo yeedhay wasiirka ciyaaraha ayaa dhanka kale kusoo beegmaya xili madax-dhaqameedka beelihii dirirtu ku dhexmartay ceel afwayn ay warbaahinta isku marinayaan hadal xanaf leh islamaraakan laga cabsi qabo in ay deg  deg u hurin karaa colaada deegaanaadaa ka taagan

Madaxwaynaha Somaliland muuse biixi cabdi ayaa lagu dhaliilaa qaabka uu usoo xushay golahiisa wasiirada qaarkood kuwasi oo aan wax saamayn ah ku lahayn deegaanada ay kasoo jeedaan isla markaana aan xalin Karin arimaha ka hor yimaada taasi oo sabab u noqotay in madaxwayne biixi goob walba uu isagu jooga.

Shacabka Somaliland Ayaa Si Weyn isha ugu haya talaabada tan xigta ee uu madaxweynaha qaranka Somaliland ka qaato daminta colaada beelaha walaalaha ee deegaanka ceelafweyn oo saddexdii sano ee u danbeeyey ahayd mid soo noqnoqotay islamarkaana ay ku fashilmeen maamulkii xukuumadii madaxweyne siilaanyo oo marar badan isku dayday.