Musharax Cabdi Daauud Cismaan Oo U Sharaxan Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland

Hargeisa(GNN):- Musharax Cabdi Daauud Cismaan oo ka Tirsan Aqoonyahanka Reer Somaliland ee Waayo Aragnimada iyo Aqoonta Kusoo Qaatay Wadamada Dibeda islamarkaana Wakhti Faro badan Kasoo Shaqeeyey Dalalka Carabta gaar ahaan Saudi Arabia iyo UAE, Ayaa Wakhtigan usoo tafaxaytay Sidii uu Shacabka Somaliland iyo Qarankiisa ugu adeegi lahaa islamarkaana uu dalkiisa ugu hurilahaa wixii waayo aragnimo iyo aqoon ah ee ku tari karo dalkiisa. Waxaana uu ka mid ahaa Ardaydii ka baxday Dugsiga Qalax 1988 Wixii Intaa ka Danbeeyeyna Deeqaha Waxbarasho ka helay Wadamada Dibeda.

Cabdi Daauud Cismaan Oo Ah Shaqsi Si Weyn ugu ololeeya Arrimaha Qaranimada Somaliland iyo Waddaniyada Kuna Suntan Fikir Ku dhisan aragti Macquul iyo Waayo Aragnimo ay Hagayso Deganaansho aan Durlayn oo Qunyar socod ah.

Xidhibaan Cabdi Daauud Cismaan Ayaa Wakhtigan isu Diyaarinaya Una heelan Sidii Uu Dalkiisa iyo Shacabkiisa Waxweyn uga Qaban Lahaa Baahiyaha Kala Duwan ee Dhinaca Arrimaha Bulshada Haddii uu eebe ku guuleeyo Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland oo la Filayo Inay Dalka Ka Qabsoonto bisha March sanadka 2019.

Musharaxan Ayaa Noqonaya Musharaxiinta Ugu Cadcad ee Ilaa Haantan u Taagan Musharaxiinta ka Tartami Doona Gobolka Maroodijeex, iyadoo Shacabka Ku Nool Caasimada Hargeisa ee inta Badan Falanqeeya Arrimaha Siyaasadu Aad usoo Dhaweeyeen islamarkaana Ku Booriyeen inuu ka Mid Noqodo Xildhibaanada Foolaadka ah ee Tiirarka u  Noqon Doona Xildhibaanada Gobolka Maroodijeex.

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network