Nolosha Hadaf Ma KaLeedahay?

Inbadan Oo Dadka Ka mid ah  Nasiib Daro Waxay Noloshoodu Ku luntaa Yididiilo Laakiin Malaha Qorshe  Ku dhisan Daraaasad  Si ay Yididiiladaas  U Rumeeyaan Taas Oo  Kale  Waxa Inoo Cadeynaya Tusaaleha Hoos Ku Qoran.

 

Waxa Jirey Laba Nin Oo Shaqaale Ka ah shirikaadka Dhismaha, Shirkadii Waxay U dirty si ay U soo Hagaajiyaan Mid Ka mid Ah Dusha Sare Ee guri Kamida Guryaha Markii Labadii shaqaale Ay Soo Gaadheen Wiish Kii ay Dusha Sare Ku Fuuli Lahaayeen Ayaa Waxay Indhaha  Ku dhufteen Boodh ay Ku qoranTahay  (Wiishku Wuu Cadilan Yahay)  Waa ay Joogsadeen Waxoogaa Iyaga oo Ka Fikiraya Wixii Ay Sameyn Lahaayeen Laakiin si Dhakhso ah Waxay U Go,aansadeen Inay Jaran Jarada Fuulaan inkasta Oo Uu Gurigu KaKoobnaa Afartan Dabaq ,Way fuuleen Iyaga Oo Alaabtoodiina Dhabarka Kuwata, Dedaal Farabadan Iyo WakhtiKa Dib Ugu Dambayn Waa Ay Gaaadheen Dusha Sare Markaasuu  Mid  Walba Ka kale Fiiriyey, Mid Ka Mid ah ayaa Kii Kale Ku yidhi Waxan KuuHayaa Laba War Oo Kala Duwan Mid  Waa Mid Farxad Leh Midna  Waa Mid Xun.

 

SaaxiibKii ayaa Yidhi:warka Fiican Ii Sheeg Marka Hore

Saaxiibkii  ayaaYidhi: Bishaareyso Ugu Dambeyn Waxaan Soo gaadhney Gurigii dushiisii Sare Kaasi waa Warka Fiican

Saaxibkii Kale ayaaYidhi : I sheeg Warka kale ee Xun.

Saaxiibkii ayaa ugu Jawaabey Fooqani Maaha Kii La RabeyInaan Hagaajino.

Hadaba Qisadan Maxaa Looga Jeedaa Maxanse KaQaadaneynaa ?

Nasiib Daro Dadka Qaarbaa Noloshoodu Ay La  Mid Tahay Sida Labadan Shaqaale Oo Kale Wuu Dedaali Wuu Dhididi Ugu Dambeyntiina  Wax Natiijo ah Gaadhi Maayo.

Maxaa yeelay ? Maxay Sidaasi Ku dhacdey ?

Jawaabtu WaxayTahay Si Fiican Uma Qorsheysan Inta Aanu Shaqada Ku Dhaqaaqin

Naftiisa Uma Sameynin barnaamij uu Kaga Jawaabo suaalaha Hoos Ku Qoran

Maxaan Doonayaa MarkaHore ?

Halkeen Se Ka Doonayaa?

Sidee Baan Se Waxan Doonayo U sameyn Karaa  ?

 

Qisadan Waxay Dib Inoogu Celinaysaa Suaashii Aan Hadalkeena Ku Bilawnay

Magaranysaa Meesha Aad  USocoto ?

 

Jaamacada Yale Ee Maraykanka Ayaa Waxay Daraasad Ku sameysay Ardeyda Dhigata Kuliyada Maamulka Iyo Maareynta Ku Waa Soo Qalin Jabiyey toban Sano KaHor Waxay Ogaadeen in 83% Kamida Ardeydii Daraasad Lagu Sameeyay Aanay noloshoodu lahayn Hadaf Cad oo Xadidan Waxaana Muuqata inay Aad U dedaalaan Si Ay u Noolaadaan oo Ay Naftooda Iyo Ehelkooda Ugu Diyaariyaan Daruuriyaadka Nolosha.

 

Dhinaca Kale Waxay Ogaadeen in 14%Kamida ay Lahaayeen Hadaf Cad Laakiin Hadafyadaasi aanay ahayn Qaar Qoran OoLeh Qorshihii Lagu Xaqiijin Lahaa Markii La Eegay Dhinaca Wax Qabsiga Waxa La Ogaadey In Saddex Jeer ay Ka nolol Sareeyaan KuwiiHore . UguDambeyn Nooca Saddexaad Oo ah 3% oo Ardeyda Ka Mida Waxay ahayeen Qaarleh Hadaf Xadidan Oo Cad oo U suurto Gelinaya Xaqiijinta Hadafkooda Markii La eegay Wax Qabsigooda Waxay Toban jeer Ka Sareeyaan Kuwii Hore.

 

Sida Kor Ku Cad Waxaad Arkeysaa Ahmiyada ay Leedahay Jaan goynta Hadafka Iyo Dejinta Qorshaha Nolosha Waxa Kale oo inoo Muuqata ahmiyada ay Leedahay inaan Yeelano Go’aan Iyo doonis aan Ku Xaqiijino Hadafkaan U socono Gaadhistiisa.

 

Xigasho:IbraahimAlfiqi

TurJumaha :Ismail TukaaleCige

SooTebiye: Ismail Hassan ( Shiine)