SIXIRKA HADAFKA

Wuxuu Ku sheegay Tashaarliz kitaabkiisa ( Nafta sareysa ) Hadaf la’aan waxaad noolaan nolol mushkilad badan oo markaa mid ka baxda mid kale aad galeyso halkii ay ahayd inaad nolaato kolba fursad inaad hesho.

Qisada Alis uu kaga waramayo dalka yaabka badan ayaa tomos kiliir wuxuu ka jawaabayaa su’aalo muhiima oo ku wareegaya jilaagiisa maskaxdiisa oo uu odhanayo (hadaf la,aan waxad noqon sida dooni aan lahayn meel ay ku xidhato safarkeeduna ku dhamaado inay bur burto oo gobol-gobol yar noqoto) .

Hadaba hadii hadafkaagu yahay mid ahmiyadaas leh maxay dadka noloshoodu hadaf ugu dejin waayeen ?

Maxaan had iyo jeer uga baqnaa inaan warqad cad soo qaadno si aan ugu qorno qorshaheena iyo hadafkeena ?

Maxaan uga baqnaa iftiinka inoo cadeynaya nolosheena?

Ilaahay sareeye oo xumaan oo dhan ka nasahane wuxuu inoo cadeynayaa inaan mustaqbalka eegno oo aan nafta u diyaarino sidii ay wax u qabsan lahayd ilaahay wuxuu quraankiisa ku yidhi  [ Nafkastaaba ha fiiriso camalkeeda ay hore marsan lahayd ]

Hadaba Maxaan Uga Baqaynaa inaan mustaqbalka u diyaargarawno oo aan wax u qabsano ?

Waxaan  Jawaab Ka bixinaynaa inay jiraan arimo inoo diida inaan hadaf iyo qorshe dajino.

 

Ta koowaad: Cabsida

Cabsidu Waa Cadawga ugu weyn ee qofku leeyahay Marka cabsidaasi ay dareenkaaga qabsato waxay sababtaa xaalad xun oo khal-khal ku rida fikirkaaga taas oo keenta inuu ruuxu ka baqo barri iyo inuu ka baqo in dadku ay aqbali waayaan iyo inuu guusha lafteeda ka baqo.

Cabsidu inta badan waxay ka dhalataa khibrado hore oo xanuun leh oo qofka hore u soo marey taas oo maskaxda qofka u dirta fariimo taban ( negative) oo bur bur ku keenta.

Fashalka hore kuugu dhacaa waxa uu ruuxa kaga tagaa cabsi ah inuu mustaqbalka ka baqo oo uu ruuxu ka baqo inuu mustaqbalka sameeyo tijaabo cusub marlabaad waayo waxa uu ka baqayaa inay ku dhacdo wixii hore ugu dhacey wax lamida.

Wuxuu ku sheegay sij sijlar kitaabkiisa buurta dusheeda (top of mountain)

[Cabsidu waxay isku kaa tuseysaa inay tahay sida kaliya ee aad Amaan/Nabadgelyo  ku helayso oo khiyaali ah oo u muuqda inuu dhab yahay ]

Akhristoow ruuxa cabsanayaa waa ruux xidhan oo jeel ugu jira khiyaali shaki iyo kalsooni daro, sidaa awgeed si aad hadafkaaga u dejiso waa inaad la dagaashid cabsida oo aad ku hubaysnaato  geesinimo si aad u waajahdo khaladaadkii hore iyo dib u sixitaankooda iyo ka faaideysigooda halkii aad u noqon lahayd lahayste jeel ugu jira cabsida.

 

Lasoco Qodobada kale ………………………………….

Qoraaga :Ibraahim Alfiqi

Turjumaha : Ismail Tukaale

Soo tebiye: Ismail Hassan (Shiine)