AKHRISO Wareegto Ka Soo Baxday Qasriga Madaxtooyadda JSL oo Lagu Magacaabay Xilal

Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Taariikh: 03 /07/2018

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-157/072018, ku magacaabay ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee qaranka.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Markaan Arkay:                  Qodobka 90aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Tixgeliyey:          Ahmiyadda uu ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud u leeyahay dhisimaha Qaranka

Markaan Arkay:                  In baahi loo qabo buuxinta jagada Ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee Qaranka

Markaan Fiirsaday:             Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markaan Sameeyey:           In uu hanan karo xilkan;

Waxaan Go’aamiyey;

 

In Mudane, Sacad Cabdi Cabdilaahi Riiraash, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

         

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

 

 

 

 

Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Taariikh:03 /07/2018

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-156/072018, ku magacaabay Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Markaan Arkay:                  Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:                  Xeerka Komishanka Xuquuqul Aadamah, Xeer Lr. 39/2010;

Markaan Helay:                   Qoraalka Guddida Xulista Xubnaha Komishanka Xuquuqul Aadamaha;

Markaan Tixgeliyey:          Ahmiyadda Komishanka Xuquuqul Aadamuhu u leedahay Dhismaha, Sumcaddda iyo Horumarka Qaranka;

Markaan Sameeyey:           La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan u magacaabo xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin in ay noqdaan Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka:

Tir.

Magaca

Xilka

1.

Maxamed Baaruud Cali

Xubin

2.

Rooda Axmed Yaasiin

Xubin

3.

Muuse Cismaan Warsame

Xubin

4.

Saleebaan Warsame Guuleed

Xubin

5.

Waris Abshir Xaaji Diiriye

Xubin

6.

Cumar Maxamuud Xuseen

Xubin

7.

Cabdirashiid Siciid Cindi

Xubin

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland