Hargeisa-Bandhiga Carwadii Buugaagta ee Xarunta Dhaqanka Oo La Soo Gabogabeeyey iyo Martida Kasoo Qayb-Gashay Xafladaasi.

Hargeisa(GNN):-Waxaa Habeenkii Xalay Ahaa Lagu Soo gabogabeeyey gudaha Caasimada Hargeisa Bandhig Carweedka Buugaagta oo Sanadkiiba halmar lagu Qabto Xarunta Dhaqanka Ee Hargeisa. Munaasibada Carwadan oo Bandhigeedu Soosocday Muddo Todoba cisho Ayaa Waxaa Kasoo Qaybgalay Marti Sharaf Kala Duwan Oo Ka Kala Socoday Dalalka Caalamka Iyadoo halkaasi lagu Soo bandhigay Malaayiin Buug oo Bulshada Kala Duwan ka faaiidaysatay Xogaha Ku Saabsan Dhinaca Aqoonta iyo Waayaha nolosha ee Ay Qoreen Bahda Qalinleyda ee Ku Xeeldheer dhinaca Aqoonta oo isugu jira Dad Ajaanib ah iyo Aqoonyahan Somaliyeedba.
Bandhiga Carwada Sanadkan Oo halkudhigiisu Ahaa XIKMAD “WISDOM” Ayaa Sidoo Kale Waxaa iyana barbar socotay Muqaalo iyo Masrixiyado ku taxaluqa Dhinaca dhaqanka suuban ee Somaalidu Caanka ku tahay.
Waxaana Halkaasi Bandhigyo kala Duwan Bulshada kala hadlay Oo Soo afmeeray Munaasibadan Saraakiisha Xarunta Dhaqanka ee Hargeisa oo ugu Horeeyo Aqoonyahan Jaamac Muuse Jaamac iyo Martisharaf kale oo kasoo Qayb Galay Xafladan.

Halkan Ka Daawo Qaar Kamida Khudbadihii Laga Jeediyey Xidhitaanka Carwada.