Isku Dhacyo Booliska iyo Dad Shacab Ah Oo Sababay Bando Lagu Soo Rogay Magaalada Jigjiga.

Wajaale(GNN):- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in  xalay lagu soo rogey benddow kaddib markii shalay gelinkii dambe dhallinyaro dooneysa in ehelkooda xabsiyada laga siidaayo ay isku dheceen ciidamada ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Dad u badan dhalinyaro ayaa la arkayay maalintii shalay iyaga oo isugu soo baxay dariiqyada magaalada Jigjiga kuna qeylinaya erayo ka dhan ka ah maamulka dowlad deegaanka Soomaalida, dhinaca kalana dalbanayay in la sii daayo dadka wali ku xidh xidhan  xabsiyada Jigjiga gaar ahaan xabsiga lagu magacaabo Jeel Ogaadeeniya.

Hore  maamulku wuxuu u sheegay in gabi ahaanba la xidhay Jeelkan oo ahaa ugu ballaadhan  oo ay ku xidhxidheen  dadka loo heysto arrimaha siyaasada ee xidhiidhka  la leh ururrada mucaaradka.

Maamulka ayaa amray in xiliyada habeenkii aan wax dhaqdhaqaaq ah laga sameyn karin magaalada oo lagu arkayo ciidamo aad u hubeysan oo amaanka sugaya.